Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo Laabtay Muqdisho.
September 3, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeyb galay xafladii Caleema saarka ee Madaxweynaha dalka Turkiya Recep Tayyip Erdoğan waxaa kale oo uu Madaxweynaha DFS uu ka soo qeyb galay shir lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kaas oo looga hadlayey khatarta wax ay reer galbeedka ku sheegaan Argagixisada.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowlada Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamud ayaa waxaa sidoo kale socdaalkiisa ku weheliyeye Wasiirka arrimaha dibadda ee DFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu shirja,aaid ku qabto magaalada Muqdisho isaga oo ka warbixin doona kulamadii uu kaga soo qeyb galay magaalada Ankar iyo Nairobi waxaa kale oo uu ka hadli doonaa guulaha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net