Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud oo sheegay in wafdi madaxda sare ah ay tegi doonaa Puntland
September 12, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaalia Xassan Sheekh Maxamuud oo habeenkii xalay ka qeyb galay barnaamij bulshadu ay su’aalo ku weydiinayeen ayaa waxaa uu ka hadlay waxqabadka Dowladdiisa mudadii 2-da sanno , khilaafka u dhexeeya dowladda Puntland ,S/land iyo dowladda dhexe.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay wax badan qabatay oo maanta Soomaaliya ay leedahay dowladda sharci ah oo laga aqoonsan yahay aduunka walow ay jiraan duruufo adag oo weli hortaagan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud oo wax laga wiidiiyey khilaafka u dhexeeya dowladiisa , Puntland ayaa waxaa uu sheegay in khilaafka jira lagu xalin doono wada hadal dhawaan ay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safar ku tegi doonaan magaalada Garoowe si loo soo afjaro khilaafka jira isagoo ku celiyey in maamulka loo samay nayo Gobollada dhexe aysan waxba u dhimi doonin jirtaanka maamulka Puntland.
Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa xusay in Xildhibaano ka tirsan DFS oo ka soo jeeda deegaanada Puntland ee dhawaan tegay magaalada Garoowe lana kulmay madaxda sare ee Dowladda Puntand ay wada hadleen tabashooyinka Puntland ay soo gudbiyeen.
Dhinac kale Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa ku celiyey in ay dowladiisu ay sii wadi doonaa wada hadal ay kula jireen maamulka S/land wixii tabasho ah ee jirana lagu xalin doono wada hadal cid la qasbayanay aysan jirin balse ay muhiim tahay in la raadiyo midnimada umada Soomaaliyeed.
M_M_Deeq
Halgan.net