Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray Kismaayo
September 16, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayoee xarunta gobolka Jubbada hoose, iyadoo halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxaa si weyn u soo dhaweeyey Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Ax med Madoobe iyo ku xigeendiisa , Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo wafdiga madaxweynaha kaga sii horeeyey magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu furi doonaa wajigii labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo saaka ka furmay Kismaayo.Ciidanka maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa adkeeyey amaanka wufuud soo gaaraya Kismaayo gaar ahaan madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda.
Wajigii labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada jubbooyinka iyo Gedo ayaa furitaankiisa waxaa ka soo qayb galay wakiilka IGAD, xubno ka socda Qaramada midoobay iyo beesha caalamka iyo Midowga Yurub.
Wixii soo kordha kala soco Halgan.net
A/cawaale
Halgan.net