Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay wada cusub oo Laami ah (Masawiro)

September 2, 2014 - Written by Editor

IMG_7881Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Dhagax dhigay dayactir balaaran oo lagu samaynayo Bur Bur soo gaaray Hareeraha Wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garoonka Diyaaradaha iyo Halka laga soo galo Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland. Mashruucaan waxaa Maalgalinaysa Dowladda Japan,Fulintiisana waxaa iska kaashanaya Hay’adda UNOPS iyo Hay’adda Wadooyinka Puntland,Dayactirka wadada waxaa ku guulaysatay Shirkada AlBashi Conistraction Company .

Dherarka wadada la dayactirayo waxa weeye 10KM iyo 200m oo ka soo bilaabanaysa halka laga galo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe waxana uu ku dhamaanaya Buundada Majabaxsi .

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Mashruucani uu kamid yahay Mashruucyada Horumarineed oo Dowladdu ay kawado Guud ahaan Gobolada Puntland.

‘’Dayactirka Wadooyinku waa muhiim sababtoo ah wax walb oo la dhiso hadaan la dayactirin oo aan laga shaqaynin waxaa badanaya dhibta,Kharashka mar walba ku baxayana waa sii siyaadayaa ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Waxaan rabnaa Puntland Shacabkeeda , Ganacsatadeeda , Dhalinyaradeeda ,Culimadeeda , Mutacalimkeeda ,Waayeelkeeda ,Madax dhaqmeedkeeda in ay fahmaan inay jiraan waxbadan oo aynu gacanteena ku fushan karno dhibna aan nagu ahayn marka aynu uwada kacno waana in aynu cidkale ugu tiirsanaan‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Waxaa dhawaan imaan doona Khubaradii jidka isku xira Gaalkacyo iyo Garoowe ay maalgalinaysay EU iyo Hay’adihii ka shaqayn lahaa Mushruucaasi,mashruucyadii kale ee isugu jira Biyaha iyo Wadooyinka ee lay noogu deeqay iyana waxaan rajaynaynaa inay dhawaan bilowdaan’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Madaxda Dowladda Jarmalka ku xigeenka Ambasadorka ayaa iyana dhawaan inoo imaanaya wakhti aan dheeren Howshana waxay u bilaaban Deg Deg,labada sano ee soo socota waxay nootahay in kaa bayaasha dhaqaalaha dalka ay yeeshan waji ka badalan wajiga hada ay leeyihiin‘’Ayuu hadalka Raaciyay Madaxwayne Gaas.

no images were found

Gaba gabadii Madaxwayne Gaas ayaa Tilmaamay in Dowladdu ay wali wado dadaalada lagu hormarinayo Puntland iyo Shacabkeeda, isagoona tusaale u soo qaatay in Dhawaan uu bilaabanayo dhismaha Dhabada ay diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Dhamaaad

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online