Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo furay shir looga hadlayo dib u habaynta shaqaalaha dowladda.(Masawiro)
September 24, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay Ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland kaga Qayb galay Furitaanka shirka Dib u Habaynta Shaqaalaha Dowladda Puntland(Civil Service Reform Consultation Work Shop).
Wasiiro,Xildhibaano iyo Marti kale ayaa ka soo qayb gashay shirkaan oo loo qabtay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Puntland iyo Hay’addaha Madaxabanaan ee ka howl gala Gudaha Puntland .
Qaban Qaabada iyo Isku dubaridka Shirkaan waxaa Gacan Weyn ka gaystay Wasaarada Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland oo Gaashanaysa Hay’adda UNDP.
“Dib Uhabaynta Shaqaalaha Dowladda waa Tayayn Dowladeed waana wax aanu rabno in aanu kula tartano Dowladaha kale,go’aamada ka soo baxa shirkaan waxaan rajaynayaa in ay noqdaan kuwo mira dhal ah “Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne ku Xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Camay.
no images were found
Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Camay ayaa sheegay in Xukuumadu ay qaadanayso Talooyinka ka soo baxa shirkaan,waxana uu agaasimyaasha Guud ee ka qayb galaya shirkaan kula dardaarmay in si Mugleh uga shaqeeyan Dib u Habaynta lagu samaynayo Shaqaalaha Dowladda Puntland.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.