Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland oo tababar u furay Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland.[Masawiro]
September 15, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa waxa uu Maanta ka qayb galay Tababar Muddo Toban Cisho ah soconayo oo Caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe loogu qabanayo Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland. Qabashada Tababarkaan ayaa waxaa iska kaa shanaya Wasaarada Amniga Dowladda Puntland,Taliska Ciidanka Booliska Puntland,Hay’adda UNDP/ROLF,waana Tababar kor loogu qaadayo aqoonta Saraakiisha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa Umahadceliyey Saraakiisha Kasoo Qayb Gashay Tababarkan Isagoona kula dardaarmay in Aqoonta ay ka faa’iidan Tababarkaan ay Dib ugu celiyaan Ciidanka Booliska Puntland si ay u noqdaan kuwo si wanagsan uguta Waajibka shaqo ee saaran.
‘’Waxaan Idiin Sheegeyaa CIlmi Badan ayaad halkan kabaranaysaan noocuu doonaba ha ahaadee waxaa laydiinka baahanyahay idinkuna inaad kafaa’iideysataan degmooyinkii aad katimaadeena aad ugu faa’eedysaan si isku xidhnaanta laamuhu ama Police ku ay u noqoto tii larabey’’Ayuu yiri Camay.
‘’Nin Lagu seexdoow haseexan Waad Ogtihiin Annana Waan Ognahay Inaad Shaqo dhib keeda leh Khatarteeda leh Aad Ummadda U Haysaan, eeddeeday leedahay, Dhaaweceday Leedahay , Gaajadeeday Leedahay, Wax walba way leedahaay oo qof bini aadam ah qabsada, Dhaleecaynteeday leedohoo waad ogtihiin’’Ayuu yiri Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixiin Camay.
“ Waan Ogahayoo Qofka Banii Aadamka ahi Waxkastoo Uu Sameeyo Kolley Lawaayi Maayo Meel Wax Kabaydhaan, Markaa Inaad Qaadataan Waxkastoo Dhaleecayn ah oo Dadku Idin yiraahdaan waayo shaqaday kamid tahay , Inaad Qaadataan Oo weliba Dul kuqaadataan ayaa Loo Baahanyahya’’Ayuu yiri Camay .
no images were found
-DHAMMAAD-