Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shahaadooyin gudoonsiiyey arday ka qalin jabisay Jaamacada Bariga Afrika (Masawiro)
September 13, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng, Cabdi Xakiim C/laahi Cumar Camey ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey arday ka qalin jabisay Jaamacada Bariga Afrika kuliyada dheeda kala duwan gaar ahaan Faraceeda Garoowe.
Kulanka lagu gudoonsiiyey shahaadooyinka araday gaareysa 86 arday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha barlamaanka Siciid Xasan Shirre, xubno katirsan golayaasha labada gole ee dowlada Puntland ,culumaudiin iyo Isimo.
Ardayda ka qalin jabisay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxaa ka mid ah kuliyadaha ay ka qalin jabiyeen Kuliyadaha Shareecada iyo Qaanuunka, kuliyada Cumputer Science , BBA-DA iyo Kulliyada Community Development.
Gudoomiyaha guud ee jaamacadda Bariga Afrika Dr. Aadan Sheekh Doon ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ardayda qalin jabisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada bariga Afrika kuwaas oo wax badan ka tari doona deegaanada Puntland
Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray 86 arday ee ka qalin jabisay wuxuuna ugu baaqay in ay dalkooda iyo dadkooda ay wax u qabtaan uga faa,ideeyaan aqoonta ay barteen .
Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre ayaa sidoo kale hadalo dhiiro galin ah iyo waano ah u jeediyey 86 arday ee ka qalin jabisey kuliyadaha kala duwan ee jaamacada bariga afrika.
no images were found
Ilaa iyo intii la asaasay Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxaa ka qalin arday aad u tiro badan oo gaareysa 3589 arday oo ka dhiganayey xarumaha kala duwan ee Jaamacada Bariga Afrika ee ku yaal deegaanada Puntland.
Halgan.net
Garoowe