Maqaalkii Uurdoox Qaybtii 11aad W/Q Sh.Cabdiraxmaan Shiikh.Cumar

September 6, 2014 - Written by Editor

uurdooxAkhristayaasha waa u cudurdaaranaa kala go’ii ku yimid maqaaladan oo aan mar hore billaabay oo aan jeclahay in aan sii wado ilaa aan ku keeno maanta Isbadal xoogleh ayaa socdo,wax badanna waa soo caddaanayaan Billaawgii waxaa ku jiray erayadeeydii “ Wixii gaalo u shaqeeyo waa soo bixi doonaan.” Ka dib markii Al-shabaab ku eedeeyeen culimadii soomaaliyeed in ay gaalo u shaqeeyaan. Abu Yasir oo ka tirsanaa al-shabaab “ Axmed Godane Gaaluu u shaqeeyaa”.(Halgan.net). 1986 waxay ahayd xilli wax badan ay kar karayaan soomaaliya maxkamaddii wadaadada waxay ku dhamaatay qaar dil lagu xukumay,qaar sanooyin badan lagu xukmiyay iyo qaar lasii daayay.

Ragga dilka lagu xukumay waxaa kamid aha Sh. Cabdulcasiis Faarax Maxamad, Sheekh Xassan Dahir Aweeys, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Sheekh Xaashi Colhaye. Inta xabsiga dheer lagu xukumay waxaa ku jiray Habarwaa, Sh cabdirizaq imaamkii masjidka muuse boqor.Ragga lasii daayay waxaa ku jiray sh cabdullaahi Cali Hashim(xaashi).

Waxaa laga soo dareeray maxkamaddii iyadoo aad loo murugeeysanyahay,dadkiina ku noqotay lama filaan,laakin dadka waxaa ka maqneeyd in waxa garsoorka qaaday ay tahay Maxkamadda Badbaadada Dalka(MBD) oo loo dhisay in ay wax ku xukunto kolba sida ay u aragto siyaasadda kacaanka ee la xiriirta amniga qaranka.Sidaan soo sheegay xukunka maxkamaddaan rafcaan malaha aan ka ahayn  in madaxweeynaha dalka Maxamad siyaad Barre loo qorto codsi cafin,waana tallaabada ay ku dhaqaaqeen qareennadii iyo eheladii dadkii la xukumay.

Culimada markaan xabsiga ku booqday waxaan ugu tagay iyadoo loo wareejiyay qaybta dilsugayaasha ee amaankeeda aadka loo adkeeyay,waxaa ku jiray Sh xaashi colhaye oo wayeel ah xanuunno badanna qaba,ummadda muslimiinta waxay u ahayd waqti adag oo nin waliba leeyahay goormaa idaacadda ka maqli doontaan waa lagu fuliyay xukunkii dilka eedasanayaashii ay MBD ku xukuntay dilka kaddibna lagu qaado heestii ahayd “sama diidoow dabinaa kuu dhigan lagugu dili doonoo”.

1982 lagasoo billaabo waxaa asaasmayay  jabhadihii mucaaradka ahaa oo ay ugu horreeysay SSDF (Somali Salvation Democratic Front),SNM(Somali National Movement),iyo jabhadaha lamidka ah oo kala horyimid doowladda dagaal hubeeysan kana soo abaabulan dhanka Ethiopia kuna wajahan soomaaliya.

Culimada hadafkooda wuxuu ahaa in dadweeyne iyo doowladba ay dhaqangaliyaan diinta islaamka lana hirgaliyo ku dhaqanka shareecada islaamka. Dawladda waxay culeeys saartay in la koontroolo masaajidda iyo culimada wax akhrineeyso sidaa darteed waxaa lasoo rogay in qof aan waaxda arrimaha diinta ee wasaaradda cadaaladda ka heeysan fasax, uusan waxba akhrin Karin waxna sheegi Karin taasoo loogu danlahaa in aan lasiin ruqsadda culimannimada inta aan la rabin in ay wax akhriyaan.

Waxaa ka muuqda halkaan warqaddii aan ku codsaday in la ii ogolaado fidinta diinta islaamka iyo nikaaxinta.Waxaana ii ogolaaday agaasinka waaxda diinta oo ahaa Cabdiraxmaan X. Muumin allaha u raxmadee oo aan dad u kaxeeystay.

no images were found

Taageerayaasha jabhadaha oo hoos ka guuxayo waxay u arkayeen dhaqdhaqaayada islaamka ee doowladda diin ahaan uga soo horjeeda in laga faaiideeysto sidii doowladda loogu ridi lahaa maxaa yeelay waxay ahaayeen xoogagga jiro ee habeeysan ,taasoo aad culimada ugu baraarugsanaayeen.

Dhaqdhaqaayada islaamka marnaba ma aheeyn hadafkooda in ay lumiyaan qarannimada soomaaliya waddankana foowdo ka dhigaan sidaa darted waxay u dulqaadanayeen dhib kasta oo loo geeysto.

Dad badan ayaa masaajidda usoo galay mucaarad ahaan oo leh diintii ayaa lagu tuntay,culimadii ayaa dil lagu xukumay waa in laga dhiidhiyaa arrinkan oo la ridaa doowladdan gaalada ah,culimada iyadoo ay xabsiyada si xaq darro ah looga buuxiyay,islamarkaana loo dilay haddana marnaba wax ma gaaleeysiin ee waxay wadeen in ay diinta dadka baraan,takfiirka oo ah dad aad u yar islamarkaana qarsoon ma ahee.

Takfiirka laftooda salaadda ha goostaan dadka laakin kuma dhiirran in ay wax dileen.Hal dhacdo ayaa la sheegay in reer xamar ah oo xabsiga takfiir ku noqday in markuu soo baxay uu dharka booliska intuu soo xirtay isaga iyo saaxiibadiis uu dilay adeerkiis,kaddibna fakaday oo Kenya galay.

Dhaqdhaqaaq culus kaddib iyo si ay doowladda u kasbato dadweeynaha waxaa madaxweeynaha u fidiyay cafis culimadii dilka lagu xukumay iyo kuwii kaleba taasoo aad nooga farxisay dadweeynahana ku farxeen.

W/Q Sh.Cabdiraxmaan Shiikh.Cumar

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online