Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) oo xaaladeeda caafimaad ay ka soo raynayso
September 5, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-War aan ka helnay mid ka mid ah Qaraabada Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) oo ahayd xaaskii Jeneral Mohamed Abshir Haamaan oo ka bad baaday isku day la doonayey in lagu khaarajiyo xili ay ku sugnayd magaalada Muqdisho ayaa noo sheegay in Marwo Faadumo Mohmamed Aadan Calbato) xaladeeda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaal ku yaal dalka Turkiga ayna ka soo raynayso.
Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) ayaa weerarkii la doonayey in lagu khaarajiyo waxaa ka soo gaaray dhaawac culus oo ka gaaray dhinac madax ilaa haddana ay takhaatiirtu ay la tacaalayaan. Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) Allaha caafiyee ayaa markii fal danbiyeedkaa lagula kacay waxaa la joogay 2 ka mid ciyaalkeeda oo ka baxsaday guriga lagu soo weeraray.
Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) falka lagu khaarajin lahaa ayaa waxaa uu salka ku hayaa guri ay lahayd oo ku yaal magaalada Muqdisho oo maxkamada gobolka Banaadir ay u xukuntay mudo 3o maalmood ahna loo qabtay qolooyinkii guriga deganaa oo la tuhun san yahay in ay wax ka soo abaabuleen isku dayga dilka ah ee ay ka badbaaday Marwo Faadumo.
Ninka weerarka kula kacay Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) ayaa ka mid ah askarta ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya waxaan hadda lagu hayaa mid ka mid ah Saldhigyada Ciidanka Booliska ee magaaalada Muqdisho.
Ma ah Marwo Faadumo Mohamed Aden (Calbato) qofkii ugu horeeyey oo guri uu leeyahay ay u xukunto maxkamada Gobolka Banadir ee Muqdisho ka dibna ay dhib ka soo gaarto dadkii deganaa gurigiisa.
Halgan.net