Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada Puntland oo riday xukun kala duwan
September 15, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Gardafuul Bari Karkaar,Sanaag iyo Haylan ayaa maanta waxay xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal gaaraya ilaa 6 qof oo ay mid ka mid ah ay tahay dumar.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa ay maxkamada darajada koowaad ku eedeysay 8 qof falal lid ku ah amaanka sida dil iyo in ay qaar ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa ay kala yihiin saaka la keenay maxkamada
1-Saacid Aadan Cabdulle
2-Aadan Maxmad Yuusuf
3-Faarax Maxamad Axmad
4-Salmo Cabdi Maxamuud
5-C/wali Cabdullaahi Cilmi.
6-Daa’uud Aadan Ibraahim
7-Dable Maxamuud Maxamad Yuusuf
8-Ismaaciil C/qaadir Jimcaale
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Gardafuul, Bari, Karkaar, Sanaag iyo Haylan ayaa waxaa ay dil toogasho ah ku xukuntay Dable Maxamuud Maxamad Yuusuf oo ka tirsanaa ciidanka PSF,iyo Aadan Maxamad Yuusuf oo ay maxkamada sheegtay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa waxay dib u dhigay 6 qof oo kale kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ka dib markii uu sidaas codsaday gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida C/fitaax Xaaji Aadan.
M_M Deeq
Halgan.net