Muxaadaraad ay culimadu ka jeediyeen Masjidka Al-raxma ee magaalada Garoowe.[Cod/Masawiro]
September 12, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa xalay ka bilaabatay masjidka Al Raxma magaladda Garowe ee Caasimada Puntland Xamla dacawi ah oo ay ka soo qayb galeen Culimo Soomaliyeed oo lagu bartay laguna yaqaan fidinta dacwada allah iyo u gargaarida Sunada waxaana Culimadaan hogaaminayay Sh.Axmed Cabdi Samad waxaa sidoo kale ka mid ah Sh.Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) Waxaa isna xamladaan dacawiga ah ka soo qayb galay Sh.Cabdi Qani Qorane oo isna dhawaan dalka dibadiisa safar caafimaad kaga yimid.
Waxaana xalay saddexdaan Sheekh ay soo jeediyeen muxaadaraat aad loo gu diirsaday muxaadaraadkaan ayaa imaanaya xil dadku ay aad ugu baah naayeen mowduucayadii ay culimadaani kahdashay waxaana darsiga qayb tiisii hore galay Sh Axmed Cabdi samad Sheekha aya aaad ugu dheeraaday mowduucii uu ku qornaa o ahaa Towxiidka iyo asabaaha lagadoonaayo qofku in uu uqabsado waxaana sheekhu ku cabiray in towxiidku yahay waxa ugu muhiim san ee ladoo nayo qofku in uu iska saxo haduu ka khaldamo qofa waxaa uu mutaysanayaa cadaab iyo ciqaab waxaana laynaka doonayaa in aan iskasaxno towxiid ka islamarkaana qofku uusan ku cabirin fikir ee uu ku qaato Dariiqii Nabigeena .
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii uu ka jeediyey Masjid Al-raxma Sh Axmed Cabdisamad
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/j8bqx55be6/Sh.Axmed_Csamad.mp3]Waxaana wadataas kuu balan qaadaysaa badbaadada labada daarood ayuu yiri sheekhu waxaana ugudanbayn tii sheekhu ugu baaqay dadweynaha in ay Towxiidka Iska saxaan odaybaa yiri iyo waa ahaan jirtay midna aan laga dhigan wado .
Waxaa darsiga qaybtii kuxigtay galay Sh.Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) Oo isna ku qornaa Barahada Cilmiga iyo Fadligiisa waxaana sheeku sheegay in qofku uusan nolol sax ah noolaan karin cilmi la,aan waxaana si dhab ah luugu baahan yahay in labarto cilmiga sharcigaa kaas oo ah kan ku badbaadinaya qofkaan maantay wax baranna bari waxaa uu la togo aakhiro waxay noqonaysaan ceeb iyo caaryaad Sheekha ayaa ku daray in uusan qofna heli karin maantay cududaar ah ma helin wax wax ibara ee cilmigii maantay yaal meel walba qofkii doonaya in uu barto uu si sahlan ku helayo .
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii uu ka jeediyey Masjid Al-raxma Sh Xassan Maxamed Ibrahim Abu Xassaan
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/46oixnspvb/Sh.xasan_maxamed_abuuxasaan_.mp3]no images were found
Waxaa xalay soo khatimay Xamladaan dacawigaa oo socon doonta sadex habeen Sh Cabdi Qani Qorane Waxaana Sheekhu Qaadaadhigay Ciwaanka Ah Walaal tinimad islamaka waxaana sheekhu aad ugu dheeraaday in lagadoonayo muslimiinta in xaqa laysku kaashado oo aan xaaraanta iyo xumaanta aan laysku kaashan sidii eebe sheegay waxaana sheekhu qiray in aysan muslimiintu kalmudnayn in dhiigooda ladaadiyo laguna banaysto ee baayiri di loo been ah waxaana mudan in dhinac looga sooo wada jeesto wixii khaldan islamarkaana ladhowro xuquuqda muslimiintu isku lee yihiin.
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii uu ka jeediyey Masjid Al-raxma Sh Cabdi Qani Qorane
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/myoovcfsoc/Sh.Cabdi_Qani_Qorane_Muxamed.mp3]Nuur Jaamac Aadam
Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland