Ra’iisal wasaaraha DFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay dalka Ingiriiska
September 15, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u dhoofay dalka Ingriiska si ay uga qayb galaan shir looga hadlayo tayo gelinta ciidanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya shirkaas oo maalinta beri ah furmi doona.
Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa inta uu ka dhoofin garooonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa uu saxaafadda u sheegay in uu dalka Ingriiska uga qayb geli doono shir muhiim ah oo looga hadlayo siddii loo tayo gelin lahaa ciiidanka Soomaaliya isagoo xusay in shirkaas ay muhiim u tahay dowladda soomaaliya. Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirrada gaashaandhigga iyo wasiirka warfaafinta ee DFS iyo saraakiil kale.
Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sh.Axmed oo safar shaqo shalay ku gaaray magaalada Baydhabo waxaana uu soo furay shirka dib u heshiisiinta ee Gobollada Bay iyo Bakool iyo Shabeellaha hoose lana doonayo in lagu xaliyo khilaafdka ku dhex jira Siyaasiyiinta Goboladda Bay iyo Bakool ee ku aadan maamulka Koonfur Galbeed ee la doonayo in la dhiso.
Shirka ka dhici doona magaalada London ayaa waxaa ka soo qayb geli doono deeq bixiyaal , xubno ka tirsan beesha caalamka ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingriiska.
A/cawaale
Halgan.net