Ra’iisul wasaarah DFS oo intuu uu joogay London kula kulmay Siyaasiyiin caan ah.[Masawiro]
September 20, 2014 - Written by EditorLondon:-Ra’iisulwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa intuu uu ku sugnaa magaalada London waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay siyaaasiyiin caan ah iyo wasiiro hore oo ka tirsanaan jira golaha wasiirada ee Puntland.
Siyaasiyiinta uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Gen. Cabdullaahi Siciid Samatar , Gen. Yusuf Axmed Kheyr. Dr. Khaliif Mandella Dr. Barre Faatax iyo Wasiirkii hore ee deegaanka Puntland Mudane Cabdiqani.
Ra’iisulwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed iyo siyaasiyiinta ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay a mid yihiin:-
1. Xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
2. Booqashada Raisulwasaaraha DFS uu ku tegi doono Puntland.
3. Arrimaha Dastuurka iyo Cadaaladda.
4.Qaabka gobollada loogu samaynayo maamulada iyo maamul u samaynta gobollada dhexe gaar ahaan Mudug iyo Galguduud.
Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Puntand ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad waxaan kulanku uu ahaa midkii ugu horeeyey oo dhexmara siyaasiinta ka soo jeeda Puntland iyo Ra’iisulwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sh.Axmed.
no images were found
Halgan.net