Ra’iisul wasaaraha DFS oo booqasho ku tagay Baydhabo iyo Tiyeeglow [Masawiro]

September 4, 2014 - Written by Editor

vMuqdisho, 04, Sebteember, 2014…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ah ku tagay degmooyinka Baydhabo iyo Tiyeeglow oo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool, waxaana socdaalka ku wehelyey Wasiirka Gaashaan dhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aaden Maxamed.

Wasiirka Ganacsiga Aaden Maxamed Nuur (Saransoor) iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida C/raxmaan Maxamed Tuuryare.  Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horeyn booqday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maamulka gobolka, iyo saraakiisha Ciidamadda dowladda iyo AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM, waxana ay ka wada hadleen howlgalka ka soconaya gobolka Bay iyo sidoo kale xaaladdaha goobihii laga xoreeyay Al-shabaab, waxana uu boggaadiyay Ra’iisul Wasaaruhu sida habsamida leh ee howlgalladu u socdaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Guddoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo halkaas u jooga dhamaystirka howlaha dib-u-heshiisiinta ee deegaanada koonfur galbeed, waxaana ay isla soo qaadeen halka ay marayaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa booqday degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool oo kamid ah deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Al-shabaab, waxana kusoo dhaweeyay Maamulka gobolka Bakool, kan degmada Tiyeeglow, AMISOM iyo saraakiisha ciidamadda XDS.

Xubnaha golaha Wasiirrada ee socdaalka ku weheliyay Ra’iisul Wasaaraha, AMISOM iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa wadajir isugu raacay in lagama maarman ay tahay cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab in meel looga soo wada jeesto isla markaana gacan lagu siiyo ciidamadda dowladda iyo AMISOM howlgalka ay ka wadaan gobolka Bakool.

”Maamulka gobolka iyo Dowladda dhexe waxaa ka dhexeeya xariirr joogta ah, waana idinka warqabtaa dowladdu, wax walba oo awoodeeda ahna way idinla garab taagan tahay. Hadda waxaa qorshaysan in kaalmo la idin soo gaarsiiyo, dadka reer Tiyeeglow waa dad ku horeeya dhanka wax soo saarka beeraha, daruufaha nabad-diidku keeneey ayaa sababay in ay abuurmaan abaaro iyo biyo la’aan soo wajahda goobaha ay nabad diidku muddada gacanta ku hayeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kalana soo dhaweeyey sida ay dadak reer Tiyeeglow hubka u qaateen isagana dul qaadeen cadowga mudada todobada sano ah haystay.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sidoo kale booqday xero ay ku xaraysan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo tababar u socdo waxana uu kula dar-daarmay in looga fadhiyo cadowga in ay ka xoreeyaan gobolka si dadku nabad ugu noolaado.

Hoos ka Dhageyo Codka Raisulwasaaraha DFS oo ku sugan Baydhabo

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/sq8ackg94a/Baydhabo.mp3]

“Al-shabaab dhibaato xoggan ayuu u geystay gobolka waa mid muuqata, waxan u mahadcelinayaa ciidankeena geesiyaasha ah iyo walaalaheena AMISOM, dowladdu waxay dhawaan degmadan usoo diri doontaa ciidamo Boolis iyo Nabad-sugid si amnigu u noqdo mid dhamaystiran.” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

Hoos ka Dhageyo Codka Raisulwasaaraha DFS oo ku sugan Tiyeeglow

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/m4gbphx8ui/Tiyeeglow.mp3]

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo gabagabeeyey booqashadii gaabnayd ee uu ku tagay deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool, taas oo uu ugu kuur galayey xaaladaha amni iyo nololeed ee deeganaadaas, isagoona caawa fiidkii dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho.

no images were found

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online