Shacabka Qorilay ee Gobolka Sool ku baaqay in loo dhiso Xarun Caafimaad Oo mudo Qabyo ah.[Video/Masawiro]
September 30, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Deegaanak Qorilay waxa uu katirsan yahay Gobolka Sool,Laascaanood waxa uu kaga beegan Yahay dhanka koonfured waxa uu jiraa 73″Km dadka deegaanka ayaa waxa ay in badan la tacaalayeen inay helaan goob caafimaad. Qorilay waxa ay dumurku ugu dhintaan dhiigbax sida aya noo xaqiijisay hooyo kamida hooyooyinka deegaankaas, waxaa halkaas ku yaala dhisme ay dhiseen hablo jooga Maraykan- ka ku waas oo gaadhiisayay dhismahan labo qol ku waas oo aan dhamaystiir nayn.
Waxaana kamaqan Suuliyo,Baraag,biyo lagushubo,qalabayntii, hablahaas waxa ay soo dhiseen labao qol kuwaas oo dadaal ku bixiyay sidii goobtaas loo hirgalin lahaa,bulshadana in badan ugu baaqay in ladhiso, soona waday mudo sidii looheli lahaa goob caafimaad oo muhiim u ah dadka deegaanka Qorilay -Ee Gobolka Sool oo ku yaala dhul oo Mane ah, halkaas oo ay ka hadleen waxgaradka deegaankaasi una mahad celiyay hablaha degaanka qorilay codsayna in loo soo gurmado bulshada Qorilay.
Geesta kale waxaa dhaqaale soo gaarsiiyay hablo soomaaliyeed oo dagan Uk kana soo jeeda Deegaanka Qorilay ee Gobolka Sool ku waas gaarsiiyay Xarunta Caafimaadka deeq lacageed oo loogu talagay in lagu dhiso dhismaha inta dhiman, Samam Cabdiraxmaan waa hooyo haysata 5,Caruura waxa ay tiri mahelno xarun caafimaad Guud ahaan caruurta waxaa iga u mulisay umuliso dhaqameed, waad garan gartaa dhibta aan lakulano yay tiri Samsam oo aad oga murugaysan xaalada ay ku sugan yihiin Hooyinka Deegaanka Qorilay,gobolka Sool.
Farxiya Aadn waa umuliso dhaqameed joogta deegaanka qorilay malahan xirfad Caafimaad hasayeeshee Farxiya waxa ay haweenka ku daawaysaa dhir sida ay ii sheegtay waxaan haystaa majirto qalab mahaysto xitaal mahaysto dhiigjoojin markasta waa umul racaan dumarku waa xaalada adag ayay tiri Farxiya. Xaaji Aadan jaamac waa 75,jir waxa uu yidhi halkan waxaa la aas aasay 66,kii ilaamaanta xaalad caafimaad daro ayaan ku jirnaa waad aragtaa xaalada aan ku jirno, waxaan nahay dadka u baahan gargaarka haayadaha caalamka iyo deeq bixiye yaasha waxaan leeyahay hanala soo caawiyo hablaha noodhisay iyo kuwa lacagtan soo diray waan u ducaynaynaa.
no images were found
Fadalan kala xidhiin Taleefanadan Hoos ku Qoran Si aad Xog ogahesho Goobtaas Caafimaad.
Ubax Saleebaan Cali Uk +441213280266
Hoos ka Daawo Shacabka Qorilay,Gobolka Sool oo ku baaqay in loo dhiso Xarun Caafimaad Oo mudo Qabyo ah
C/kariim C/laahi
Lascanod,Somalia