Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo socdaal dacwo ku tagay dalka Ugandha
September 5, 2014 - Written by EditorKampala:-Sheikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa booqosho dacawi ah ku soo gaadhay wadankan Uganda gaar ahaan magaala madaxda wadanka ee kampala.
Booqoshadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee uu sheekhu ku soo gaadho wadankan Uganda Sheekha ayaa ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe ee magaalada Kampala halkaas waxaa ku soo dhaweeyeen culimada Markazka Al-tawxiid kuwaa oo islamarkiiba dajiyey hoygii loogu talagalay sheekh C/naasir Xaaji Axmed.
Sheikh cabdinaasir ayaa islamaalinkiiba bilaabay kulamo dacawi ah uu laqaatay madaxda dacwada ee Markazka Al- tawxiid kuwaa oo u tandiimiyay silsilad muxaadaraad ah.
Habeenimadii khamiista ayuu bilaabay muxaadaradiisii ugu horaysay taa oo ay cinwaankeedu ahaa (ASBAABTA CABSIDA ALLAAH ) sheekha ayaa si wacan ugaga hadlay mawduucaa taa oo dad badan uu soo jiitay isla habeennimadii xigtay ee jimcihi ayuu galay muxaadaro 2aad taa oo ahayd cinwaankeedu ( AMMAANADA ) iyana sheekhu aad ayuu ugu xeldheeraaday faahfaahinteeda iyo waxa ay tahay amaanada iyadoo caawa oo habeen sabti ah uu galay muxaadaro Sheikh Sacad Maxamed abuu bakar taa oo ay cinwaankeedu ahayd ( XAQIIQADA TAWXIIDKA ).
Sheekh C/naasir Xaaji Axmed ayaa maanta waxaa uu sidoo kale jeediyey muxaadaro u gaadh ah dumarka soomaaliyeed ee wadankan Uganda iyadoo lafilayyo in uu sheikhu caawa oo axad ah in uu qabto barnaamij su,aalo diini ah lagu waydiinayo taas oo ay ka faa,ideysan doonaan dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala
Sikastaba ha ahaatee aragtida soomaalida reer kampala ee ku aadan booqoshada sheikh cabdinaasir aya ah mid dareen wanaagsan ku abuurtay iyadoo aad ka dheehan karto.
Abdisamed Hassan Hersi
Halgen.net – kampala