Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay buug loogu gafay diinta Islaamka [Audio/Video]
September 23, 2014 - Written by EditorNairobi:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee waaweyn kuna nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa waxa uu jeediyey muxaadaradii 1aad oo uu Sheekhu uga hadlay buug uu qoray nin Soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil waxaana uu buuggiisa u bixiyey (Xadka Ridada Maxaa ka run ah ). Qoraaga buugga ayaa si cad u inkiray Xadka Ridada waxaaba taas ka daran in uu ku xusay Kitaab kiisa in aysan jirin diin xaq ah. Buugga ninka qoray ayaa xambaarsan afkaar Cilmaani ah oo mustashriq ah waxaana buuga aad uu canbaareynayaa diinta Islaamka iyo culumadeeda.
Hoos ka Dhagayso oo idaacadda VOA-da ay ka waraysatay buuggaan loogu gafay diinta Islaamka
Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in uu buuggaan uu yahay mid sumaysan aadna u dhawacay Usuul waaweyn oo Islaamka ah isagoo xambaarsan fikardii Sanaadiqada iyo Malaaxidada ee hadafkoodu ahaa in la dumiyo lana dhaawaco sharafta diinta Islaamka Nabigeenaa udgoonaa CSW , Asxaabtii Rasuulka NNKH iyo culimada diinta Islaamka xambaarsan .
Hoos ka Daawo muxaadaradii koowaad ee uu sh Umal kaga hadlay buugga Xadka Ridada Maxaa ka run ah ee Islaamka Nebiga NNKH u gafey.
C/casiis Maxamed
Halgan.net