Shirkadaha Bixin Spare parts iyo Qudus Pharmacy oo adeeg cusub soo kordhiyey.[Masawiro]
September 15, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Shirkadaha ganacsiga ee ka jira deegaanda Puntland ayaa waxay iska kaashadeen in ay bulshada gaarsiiyaan adeeg aad muhiim u ah kuwaas wax tar muuqda u ah bulshada Nool iyo kuwa dhintay intuba. Labo Shirkadood ee kala ah Bixin Spare Parts iyo Qudus Pharmacy ayaa waxaa ay iska kaashadeen adeegyo kala duwan kuwaas oo wax tar u ah bulshada ,labada shirkadood oo ka howl gala dalka Soomaaliya iyo caasimada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ay diyaariyeen qalab lagu aaso dadka markii ay dhintaan iyagoo bixiya si bilaash ah lacagta godka iyo dhagax loogu tala galay meydka [Iilka].
Labo Shirkadood ee Bixin Spare parts iyo Qudus Pharmacy waxaa kale oo ay diyaariyaan layrarkii haddii goor habeen ah loo baahdo la if san lahaa iyo weliba Matoorkii oo uu u dhamaystiran yahay dhamaan adeegiisii haday tahay dhinaca shidaalka iyo gaarigii qaadi lahaa Meydka.
Waxaa kale oo ay diyaariyeen Bixin Spare Parts Iyo Qudus Pharmacy ay diyaariyaan Garweynadii iyo badeeladii iyo waliba jirigaamadii biyaha lagu qaadi lahaa waxaana la oran karaa shaqadaani waa shaqo ahayd in ay qabtaan dowladda dalka ka jirta balse waxaa ka ducaystay bulshada labadaan Shirkadood ee barkaysan.
Mar aan wax ka weydiinay mid ka mid ah ay mas uuliyiinta howshaan taabagaliyay oo lagu magacaabo Sh.Xaamid Cabdi Samatar waxaa uu noo sheegay in howshaan ay gaarsiin doonaan dhamaan gobollada puntland ay ka kooban tahay haddii Alle idmo.
no images were found
Nuur Jaamac Aadam
Xafiiska warbaahinta
Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland