Taliyaha ciidanka DFS oo kula kulmay Muqdisho Taliyaha Ciidamada Uganda
September 5, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Taliyaha ciidanka DFS Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katubo Wamala oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho,
Kulanka dhexmaray labada taliye ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM .
Taliyaha ciidanka DFS Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa ugu mahadceliyay taliyaha ciidanka Uganda Jen. Katubo Wamala oo booqashada ku yimid Muqdisho, isaga oo sheegay in labada dal ay yihiin saxiibo ayna ka dhexeyso arimo badan.
Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katubo Wamala oo la hadlay saxaafada ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaato kala duwan balse ay haatan u muuqato mid ka soo kabaneyso.
Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katubo Wamala ayaa sheegay in dowlada Ugandha ay garab taagan tahay DFS wuxuuna soo dhaweeyey guulaha ay gaareen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Ciidanka Ugandha ayaa waxay ka mid yihiin ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ee yimid dalka sannadkii 2007-dii.
A/Cawale
Halgan.net