Ururka Al-shabaab oo ka hadlay weerarkii ay ku qaadeen Xabsiga Jilacow.[Dhagayso]
September 1, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay ka hadleen weerarkii ay ku qaadeen xarunta nabadsugida gaar ahaan xabsiga weyn ee Jilacow waxaa ay sheegeen in ay howl galkooda ay ka gaareen guul ay na weerarka ku dileen Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Nabadsugida dowladda federaalka Soomaaliya. Waaliga Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab Sheekh .Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa sheegay in weerarkii shalay ee Godka Jilacow ay igu fuliyeen howlgalka ka dib markii ay ogaadeen in Xabsiga Jilacow lagu jir dilo dadka muslimiinta uuna Alle u fududeeyey u jeedkooda ayna dileen ilaa 15 qof oo iskugu jira Saraakiil iyo ciidanka nabadsugida.
Waaliga Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab Sh.Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa xusay in Xabsiga Jilacow uu weligiis ahaa meel lagu dhibaateeyo dadka muslimiinta oo cadaab lagu marsiiyo oo dadka lagu dhajiyo koronto, cidiyahana laga siibo dadka.
Sh.Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa ku goodiyey in ay sii wadi doonaa weerar ay ku qaadayaan xarumaha Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ugu baaqy dadweynaha Muqdisho in ay ururka Al-shabaab la shaqeeyaan waxaan uu uga digay kuwa la shaqeeya Dowladda federaalka Soomaaliya haddii aysan ka waantoobina ay ciqaab marsiin doonaa.
Sh.Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa shirkiisa jaraa’id ku faahfaahiyey weerarkii ay ciidamadoodu la beegsadeen Xabsiga Jilacow iyo weerarada kale ee ay ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho.
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id Sh.Cali Max’med Xuseen Cali Jabal uu qabtay
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/iej9qctxh2/calijabal.mp3]A/cawaale
Halgan.net