Ururka Axraar Shaam oo magacawday Hogaan cusub.[ Video]

September 10, 2014 - Written by Editor

axraarSuuriya:- Waxaa kulan ay iskugu yimaadeen Golaha Shuurada ee Ururka Mujaahidiinta Axraar Shaam oo ka tirsan Jabahada Islaamiga ay hogaamiye u magacawdeen Eng Haashim Sheekh Abu Jaabir [ هاشم الشيخي (أبو جابر) ] ka dib markii Qarax is miidaamin ahaa lagu dilay Allaha u naxariistee hogaaamiyihii Ururka Axraar Shaam Sheekh Xasaan Cabuud (Abu Cabdulaahi Al-Xamawi) iyo Madax kale oo ka tirsan ururka oo shir uu uga socday magaalada Idlib.

Golaha Shuurada ee Mujaahidiinta Axraar Shaam ayaa waxaa kale oo ay u magacaabeen hogaamiyahood ciidanka Abu Saalix Daxaan [أبو صالح طحان] iyagoo wacad ku maray in ay sii wadi doonaa dagaalka ay kula jiraan ciidanka dowladda Suuriya iyo kooxda marin habowday ee isku magacawday dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam (Daacish).

Hoos ka eeg Madaxdii iyo Saraakiishii Axraar Shaam ee shalay qarax is miidaaminta ah lagu dilay

Maalinta shalay ayaa qarax is miidaamin ah waxaa lagu khaarajiyey madax iyo saraakiil ka tirsanaa ururka Axraar Shaam waxaan dadka dhintay ay gaarayeen ilaa 28 qof. Ma ah markii ugu horaysay oo hogaamiyaal ka tirsan xoogaga Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira dowladda Suuriya si dhagar ah loo dilo , Kooxaha Islaamiyiinta ee hubaysan ayaa waxaa dagaal labo dhinac ah waxaa ay kula jiraan kooxada isku magacawday dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam (Daacish) iyo ciidanka dalka Suuriya oo gacan ka hellay Iran arrinkaas oo sababtay in la wiiqo awoodii kooxaha Islaamiyiinta ee dagaalka hubaysan ka wada dalalka ciraaq iyo Suuriya.

Hoos ka Daawo Ururka Mujaahidiinta Axraar Shaam oo magacawday Hogaan cusub

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online