Wafdi ka socda dowladda Turkiga oo gaaray Kismaayo
September 1, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa maanta soo gaaray magaalda Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose Wafdi ka socdo dowladda Turkiga waxaan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ee Jubba. Wafdiga dowladda Turkiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee maamulka Jubba, Suldaan Cabduqaadir Lugadheere iyo xubno ka tiran golaha wasiiradda ee maamulka Jubba.
Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee maamulka Jubba, Suldaan Cabduqaadir Lugadheere ayaa soo dhaweyey imaanshaha wafdiga dowladda Turkiga ee Kismaayo waxaan uu sheegay in ay muhiim tahay in bulshada degan Jubooyinka ay hellaan deeqo waxbarasho iyo mashaariicda horumarineed ee Dowladda Turkiga ay ka wadaan Gobollada dalka Soomaaliya.
Axmed Gokcek oo ka mid ahaa wafdiga dowladda Turkiga ee tegay Kismaayo ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshaha Kismaayo ayna diyaar u yihiin in ay taageero u fidiyaan dad weynaha Soomaaliyeed ee nool soomaaliya gaar ahaan gobollada Jubooyinka oo ay maanta soo gaareen.
M_M_Deeq
Kismaayo