Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Gedo oo soo gaaray Kismaayo
September 16, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayo , wafdiga gudoomiyaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo ay ku sugan yihiin madaxda ugu saraysa ee maamulka KMG ee Jubba. Waxaa sidoo kale oo magaalada Kismaayo soo gaaray dhawaan wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare, Odayaal dhaqan , siyaasiyiin iyo wax garad ka kala yimid gobolladda Jubbooyinka iyo Gedo.
Weli waxaa madaxda ugu saraysa ee maamulka KMG ee Jubba gaar ahaan madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe , ku xigeenadiisa , golahiisa wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Kismaayo si ay ugu soo dhaweeyaan madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda oo hadda ka soo duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
War hadda na soo gaaray ayaa sheegay in diyaaradii siday Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii la socday ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaan si weyn u soo dhaweeyey madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe , ku xigeenadiisa , golahiisa wasiirada iyo dadweyne aad u fara badan oo ka qayb galay soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Wixii soo kordha kala soco Halgan,net
A/cawaale
Halgan.net