Wasiirka Waxbarashada Puntland oo la kulmay deeq bixiyayaasha waxbarashada (Masawiro)

September 30, 2014 - Written by Editor

DSC07451Garoowe:-Waxaa maantay Hoolka Shirarka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland ka furmay shir heerkiisu sarreeyo oo socon doona laba maalmood, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowladda Puntland oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda, wafti ka socda midowga Yurub iyo Hay’addaha ka shaqeeya waxbarashada Puntland.

Ka hor inta uu san shirku furmin Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame iyo wufuuda ka qayb galaysa shirka waxay booqasho ku tageen kulliyadda Tababarka Macalimiinta Puntland “ GTEC” halkaas oo ay kula kulmeen maamulka iyo macalimiinta Kulliyadda Iyo Ardayda wax ka barata kulliyadda oo tiradoodu kor u dhaafayso Lix-boqol oo arday kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland Dr: Cali Xaaji Warsame oo shirka daah furay ayaa ugu horayn u mahad celiyey ka soo qaybgalayaasha shirka , Wasiirka ayaa warbixin kooban ka bixiyey halka ay marayaan mashaariicda waxbarashada ee laga hirgaliyo Puntland, wuxuna ku aamanay midowga Yurub iyo Hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada Puntland doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen kor u kaca ku yimid hanaanka waxbarasho ee Dowladda Puntland.

Shirku inta uu socdo waxaa lagu eegi doona oo lagu gorfayn doona saddex qodob oo kala ah

1. Dabagalka iyo la xisaabtanka Mashaariicdii la qabtay lixdii Bilood ee la soo dhaafay

2. Dar-dar galinta Mashaariicda waxbarasho ee ka socda Puntland

3. U diyaargarowga qorshayaasha soo socda sanadka 2015

no images were found

Shirkan oo Lixdii biloodba mar la qabto aya waxaa lagu lafa guraa sida ay u hirgaleen mashaariicda waxbarasho ee ka socda dalka iyo baahiyaha loo baahanyahay in wax laga qabto, shirku waxa uu soo xirmi doonaa malinka barri ah.

Xafiiska War-Faafinta
Wasaarada Waxbarashada iyo
Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online