Xaalada Buulo Mareer oo degan ka dib qabsashadii Ciidanka AMISOM iyo DFS
September 1, 2014 - Written by EditorBuulo Mareer:-Xaalada Degmada Buulo Mareer ayaa degan kadib markii ay ciidamada huwanta ay la wareegeen kooxda Al-Shabaab waxaana jira dadweyne ka barakacay Degmada Buulo Mareer.
Saraakiisha Ciidanka DFS iyo AMISOM ayaa sheegay in qorshahooda weyn uu yahay inay la wareegaan degmada Baraawe oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab .
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Labada Shabelle iyo Banaadir Dick Olum ayaa dadweynaha kula hadlay fagaare ku yaal bartamaha Degmada Buulo Mareer.
C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan ciidanka amaanka isagoo u digay kuwa shabaabka ah ee shacabka ku dhex dhuumanaya.
Cabdi Yare
Kismaayo