Xaflad tababar oo lagu soo Afmeeray xarunta Jaamacadda Imam (Masawiro)
September 29, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta jaamacadda IMAM ee magaalada Muqdisho, xafladan ayaa lagu soo xirayay siminaar ku saabsanaa tababarka tababarayaasha ( Training of Trainers), siminaarkan oo muddo 16 maalin ka socday xarunta jaamacadda IMAM (16-31/9/2014) ayaa waxaa iska kaashaday xarunta daraasadka & cilmibaarista (EASMEC) oo raacsan jaamacadda iyo Midowga Tababarayaasha Soomaaliyeed.
Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen , aqoonyahan, dhalinyaro, arday, waxaa kalimado ka jeediyay guddoomiyaha jaamacadda IMAM, DR Hassan Sh Cabdulqaadir , ku xigeenka guddomiyaha Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe, madaxa ururka midowga tababarayaasha , C/weli xasan C/laahi & martisharaf ka soo qeyb gasahay xafladda oo uu ka mid ahaa : madaxa tacliinta sare ee jaamacadda Bariga Afrika, C/fataax Maxamed Cali (Qandala) & qoraaga Soomaaliyeed Ustaad Anwar Mayow
Dowradan ayaa noqoneysa kuwa ugu horeeya ee nooceeda ah ee lagu qabto gudaha Soomaaliya, maaxa yeelay waxaa bareyaal ka ahaa macalimiin khibrad u leh tababarka tabababrayaaasha , waxaana ardayda markay dhameystaan bixinayay shahaadada lunabo xar oo caan ku ah tababarada horumarinta biniaadamka oo kala ah :
no images were found
1-Xarunta tabarada ee Kanada ee uu aasaasay Dr Ibrahiim Al fiqi.
2-Xarunta (صناع القرار) ee Yemen ku taala ee uu leeyahay DR Hudaifa Al Cumaqi
Gebgebadii xafladda ayaa waxaa ardaydii dhameysatay dowrada oo 20 arday ahayd la guddoonsiiyay shahaadooyin & CD ay ku jiraan casharo kala duwan .
Musasat Al-Safa
Halgan.net