Xaflad xil wareejinta 1aad ee Mu’ssadda Al-Minhaaj oo ka dhacday magaalada Boosaaso.[Masawiro]

September 4, 2014 - Written by Editor

2 Boosaaso:-Waxaa maanta  lagu qabtay hoolka xafladaha ee hotel JUBBA xaflad xil wareejin ah, taasi oo ay xilka kula  kala wareegayeen gudoomiyahii hore ee Mu’asasada Al-Minhaaj Mr.Maxamed Maxamuud Ciise iyo gudoomiyaha cusub ee Mu’asasada Mr Maxamed C/laahi C/dule.Mu’asasada Al-Minhaaj oo ah mu’asaso ka shaqaysa Dacwada iyo Horumarinteeda ayaa waxa lagu aasaasay Magaalada Qardho 07/07/2011, shir ay halkaas ku qaateen culimada ugu waawayn Puntland iyo aqoonyahano , sida Sh.C/qaadir Nuur Faarax, Sheekh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan(oo labadooduba  geeriyooday allaha u naxariistee), Sheekh Daahir Aw Cabdi iyo ducaad iyo aqoon yahano fara badan, iyadoo ay xubno ka yihiin dhamaan culimada ugu caansan Puntland.

Munaasabadaan xil wareejinta ah ayaa  waxa ka soo qeyb galay  Golayaasha kala duwan ee Mu’asasada, Culimo, aqoonyahano, xubno ka tirsan maamulka gobolka, salaadiin, nabadoono, waxgarad, dhalinyaro , haween iyo marti sharaf kale. Ugu horeyn waxa  munaasabadda ka hadlay  Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka mid culimada ugu waa wayn soomaaliya, waxa uuna aad ugu dheeraaday wax qabadaka baaxada leh ee ay ku tilaabsatay Mu’asasadu sadaxda sano oo ay jirtay, isagoo aad ugu booriyay umada inay ku gacansiiyaan Mu’asasada shaqadaas baaxada leh ee ay gacanta ku hayso.

Sidoo kale Shiikhu waxa uu aad u bogaadiyay shaqada baaxada leh ee ay qabteen maamulkii hore ee Mu’asasada, isagoo ku booriyay maamulka cusub ee Mu’asasada inay halkaas kasii amba qaadaan .

Gudoomiyiha golaha aasaasayaash Mu’asasada Sh C/waaxid Xaashi oo isna munaasabada ka hadlay ayaa isna sidoo kale aad ugu dheeraaday wax qabadaka baaxada leh ee ay ku tilaabsatay Mu’asasadu intay jirtay, sidoo kalana sheegay inay maantay marqaati ka yihiin xilwareejinta uu sameeyay maamulkii hore ee mu’asasada , isagoona u rajeeyay maamulka cusub inay halkaas kasii wadaan oo meel sare gaarsiiyaan .

Maxamed Maxamuud Ciise gudoomiyahii hore ee Mu’asasada oo isna hadalka qaatay ayaa aad ugu dheeraaday warbixin ku saabsan Mu’asasada Al-Minaaj , isagoo soo ban dhigay qayb ka mid ah wax qabadkii mu’asasada intuu xilka hayay, sida faafinta dacwada, tababarada ardayda, xalinta colaadaha ka dhex dhaca qabaa’isha, u gar gaarida daka tabaalaysan, qabashada tartamo lagu kobcinayo aqoonta ardayda iyo ka qayb qaadasha dhamaan wax walba oo wax tar uleh bulsha.

Gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Puntland Mudane Maxamed caydiid oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay Mu’asasada tahay mustaqbalka umada , isagoo ugu baaqay Aqoon yahanka. Ganacsatada, iyo dhamaan qaybaha bulshada in ay Mu’asasada ku  garab istaagaan waxay awoodaan Maskax , Maal iyo Muruqba, si ay u gaarto waxa ay higsanayso.

Liibaan Axmed shire oo isna ku hadlayay magaca aqoon yahanada ayaa aad ugu dheeraaday  wax qabadka baaxada leh ee ay mu’asasadu u hayso mujtamaca reer puntland , isagoona ku tilmaamay inuu yahay mid dhaxal gal ah oo aan la hilmaami karin.

Mr Libaan oo hadalkiisa sii wata ayaa tusaale usoo qaatay dowrkii ay Mu’asasadu ku lahayd taakulayntii dadkii ay saamaysay duufaantii ka dhacday deegaanada puntland, isagoo sheegay inay mu’asasadu ahayd kooxdii ugu horaysay ee ka jawaabtay qeyla dhaantii kasoo yeertay deegaanadaas, iyada oo la gaartay  gawaari deeqsida dadkay duufaantu saamaysay, sidoo kalane ay laf dhabar u ahayd dhamaan deeqihii la gaarsiiyay dadkaas, isagoo ugu danbayn ka codsaday bulshada inay
ku garab istaagaan Mu’asasada shaqadaas baaxada leh ee ay u hayso bulshada.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo isna  ka hadlay madasha ayaa qiray dowrka balaaran oo ay Mu’asasadu kuleedahay arimaha bulshada iyo dacwada, isagoo cadeeyay inay Mu’asasadu kala qayb qaadato xalinta khilaafka ka dhex dhaca beelaha iyo dhamaan nabadaynta guud .

Gudoomiyaha cusub ee Mu’asasada AL-Minhaaj Maxamed C/laah C/dule oo isna hadalka qaatay  ayaa  ugu horayn umahad celiyay maamulkii isaga ka horeeyay, isagoo tilmaamay in ay qabteen wax la taaban karo mudada ay xilka hayeen, sidoo kalana sheegay in hawsha maanta loo dhiibay ay tahay howl aad u adag, isla markaan ay filayaan in ay ka soo baxaan haddii Alle idmo, kana codsaday dhamaan dadkii ka soo qayb galay xaflada inay ugu duceeyaan xilka loo dhiibay inuu alle u fududeeyo.

Yuusuf Muumin Bide gudoomiye ku xigeenka gobolka bari oo   isaguna ka hadlay madasha ayaa aad ugu dheeraaday dowrka balaaran ee ay Mu’asasada  ka qaadatay  horumarinta bulshada Puntland. Si kastaba ha ahaatee xafladan xilwareejinta Mu’asasada alminhaaj, ayaa kusoo gaba gabowday jawi aad u qurux badan.

no images were found

Mu’ssadda Minhaaj
Bosaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online