Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay
October 8, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ku laabtay magaalada Muqdisho, ka dib markii uu soo gudatay rukniga qiimaha badan ee Xajka.
Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho waxaana ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde Raisulwasaaraha DFS Cabdi Weli Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka soo degan Garoonka Aden Cadde wuxuu ugu hambalyeeyey guulaha ay ka gaareen ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM wuxuuna sheegay in ay socon doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha DFS ayaa qiray in ay jiraan kala aragti duwanaansho u dhexeysa hogaanka sare ee DFS balse ay ka mideysan yihiin siyaasada dalka.
Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshin ka dhan ah Raisulwasaare Cabdi Weli lagu soo diyaariyey dalka sacuudi Carabiya balse cid xaqiijin karta ma jirto.
Hoos ka Daawo Madaxweynaha DFS oo Warbaahinta Qaranka uga warbixiyey Socdaalkii uu ku tagay Sacuudiga
A/Cawale
Halgan.net