Puntland iyo DFS oo maanta saxiixay Heshiiska ay wada gaareen
October 14, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa saaka si rasmi ah loo saxiixay heshiis ay wada gaareen DFS iyo dowladda Puntland waxaan uu heshiisku ka dhacay xarunta wasaaradda cafimaadka dowlada Puntland ee Garoowe. Ilaa 12 Qodob ayaa labad dhinac ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Puntland ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey Wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda Federalka Soomaaliya Ducaale Aadan.
Heshiiska saaka ka dhacay xarunta wasaaradda cafimaadka dowlada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, Wakiilka ururka Igad ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ,safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Macheil Cervone, iyo Safiirka Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Wixii soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.
M_M_Deeq
Halgan.net