Puntland oo warbaahinta u soo bandhigay gacanta ku haynta deegaanka Galgala.(Masawiro/Video)

October 2, 2014 - Written by Editor

640x425xDSC_0148.jpg.pagespeed.ic.sYeR3Ls2iAGalgala:-Puntland ayaa maanta markii ugu horreysay waxay saxaafada usoo bandhigtay xaruntii ugu weyneyd ee Ururka Al-shabaab kaga sugnaayeen Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari oo ay la wareegeen ciidanka Puntland  sidda uu horey u shaaciyey Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wafdi uu horkacayo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa waxaa ay gaareen deegaanka Galgala waxaana socdaalkiisa ku weheliyey Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Gen.Muxiyadiin Axmed Muuse,Taliyaha Ciidanka Badda Gen Cabdirisaaq Diiriye Faarax iyo Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa warbaahinta kula hadlay Buuraleyda Galgala wuxuuna sheegay in dowlada Puntland ay gacanta ku heyso  deegaanka Galgala mar uu ka hadlay khasaaraha gaaray Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in ay ka dileen 15 askari dhanka Puntlandna wuxuu sheegay in uu ka dhintay hal askari 6 kalena ay ka dhaawacmeen ka dib gaari ay miino ku qaraxday.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa shalay dagaal ku qaaday deegaanka Galgala ee gobolka Bari waxaana ay si xoog ah kaga saareen Al-Shabaab oo fariisamo ay ku lahaayeen Buuraha Galgala ee Waqooyi Bari sidda ay saxaafadda u sheegeen Saraakiisha ka tirsan ciidanka Puntland.

no images were found

Hoos ka Daawo shir jaraa’id ee Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ku qabtay Galgala

M_M Deeq
Halgan.net
xuquuqda Sawirada RBC Radio

 

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online