Ra’iisul Wasaare DFS oo canbaareeyey Qaraxa ka dhacay Muqdisho

October 12, 2014 - Written by Editor

2Garoowe:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u canbaareeyey weerarka argagaxiso ee lagu bartilmaameedsaday dad rayid ahaa oo ku sugnaa maqaaxi laga cunteeyo oo ku taalla waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa weerarkan ku tilmaamay mid fulaynimo ah oo aan qiil loo samayn karin, kana baxsan dhammaan dhaqanka diinta Islaamka iyo damiirka bani aadantinimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada noocan ah ee lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ay soo gaabinayaan cimriga kooxaha nabad-diidka ah ee gumaadka ku haya dadka Soomaaliyeed, waxana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeensadaan la dagaalanka dadka caadeystay daadinta dhiigooda.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen xuska sannad-guuradii lixdanaad ee maalinta calanka Soomaaliya, sidaa awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxaha nabad-diidku ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, isagoo caddeeyey in weerarada noocan ah aanay qaranka Soomaaliyeed ka leeexinayn waddada horumarka iyo dawladnimada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerakan lagu qaaday dadka rayidka ah, waxan uu Illaah uga baryey inuu janadiisa ka waraabiyo isagoo intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca.

“Waxaan canbaaraynayaa weerarkan waxashnimada ah ee lagu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Waa dhaqankii lagu yaqaanay nabad-diidka waqtigiisu dhamaaday ee muddo dhibataynayey dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli  waxana uu raaciyey “Weerarkan bahalnimada ah waxaa lagu soo beegay xilli aynu faraxsanayn oo aynu xusaynay Calankeenna sharafta badan oo ah haybteenna Soomaalinimo iyo astaanta qaranimadeena. Waxaan hubaa in weerarkan uusan inaka leexin doonin jidka horumarka, nabadda iyo dawladnimada”.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online