Ciidanka DFS oo howlgalo ka sameeyey Degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag (Masawiro)
November 5, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidanka nabadsugida ee DFS ayaa saaka howlgal ka sameeyey magaalada Muqdisho waxaana ay gacanta ku dhigeen rag lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo hub kala duwan.
Ciidanka Nabadsugida ee DFS ayaa waxaa ay howlgalada ka sameeyeen Degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ka dib markii ay xog ku heleen in xubno ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan labada Degmo.
Ciidanka DFS iyo kuwa Nabadsugida ayaa guriguri u galay Degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag waxayna gacanta ku dhigeen dhalinyaro iyo hub kala duwan iyo daroogo .
Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay qabteen dhalinyaro ka tirsan Al-shabaab ,hub iyo Daroogo .
Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay fashiliyeen weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab damacsanaayeen in ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.
Warbaahinta DFS ayaa soo bandhigtay sawiro iyo Muuqaal howlgalada ay saaka ka sameeyeen Degmooyinka wardhiigley ,Yaaqshiid ,Hodan iyo Howlwadaag.
no images were found
A/Cawale
Halgan.net