Culimo ka mid ah Masjliska Al-Bayaan oo socdaal Dacwo ku tegay magaalada Pretoria [Masawiro]
November 6, 2014 - Written by EditorPretoria:-Waxaa maalintii arbacada oo bishana ay ahayd 05/11/14 ku tagay booqasho dacwadeed magaalada Pretoria wafdi culimo ah oo uu hogaaminaayay Sheekh.Maxamed Aadan Abdille oo ah gudoomiyaha gudiga dacwada ee gobolka Gauteng, waxaa ka mid ahaa xubnaha wafdiga Sheekh Shariif Abuukar Afeey iyo Sheekh Qaasim Cabdi Hayaan oo labadaba ka tirsan gudiga dacwada ee gobolka Gauteng.
Waxay culimada si gaar ah u booqdeen Markazka Imaamu Bukhaari ee ku yaala magaalada Pretoria, waxaana si diiran u soo dhaweeyay culimada Markazka Bukhaari oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Xakaar oo ah imaamka Masjidka Bukhaari iyo Sheekh Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka mid ah aasaasayaasha Majliska Al-bayaan.
Waxayna culimada ka jeediyeen muxaadaro bacdal maqrib Masjidka oo ay dad farabadan ku sugaayeen, waxayna culimada oo ka soo kacitimay Johannesburg oo u jirta Pretoria 62km ay soo jeediyeen labo muxaadaro oo qiimo badanayd oo ay ku baraarujinayeen soomaalida ku dhaqan Pretoria.
Salaadii cishaha ka dib ayaa culimada markay casheeyeen waxay u soo safreen Johannesburg oo ahayd halkii ay ka anbabaxeen, ayadoo booqashadoodii iyo muxaadaradoodii markazka bukhaari ee Pretoria uu si fiican ku soo gabagaboobay.
Gudiga dacwada ee Al-bayaan ayaa dhawaan u anbabixi doono hadii alle yiraahdo safar ay ku kala bixin doonaan qaar ka mid ah gobolada wadankan Koonfur afrika ee ay degan yihiin Jaaliyada Soomaalida.
no images were found
Maxamed Aden Abdille
Gudoomiyaha Dacwada gobalka Gautenge ee Al-Bayaan.
Johannesburg