Dacwada Masuuliyadeeda yaa leh ?? Sh.C/xakiim Muxamed Xirsi.[Dhagayso]
November 29, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:- Masaajidka Nuurul-yaqiin ee Xafada Israac magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay Muxaadaro uu soo jeediyey Sh.C/xakiim Muxamed Xirsi isagoo ka hadlay Masuuliyadda Dacwada iyo in diinta la faafiyo. Sh C/xakiim Muxamed Xirsi ayaa waxaa uu faah faahiyey masuuliyadda Dacwada , wax uuna sheegay in ay u qaybsan tahay ilaa labo qaybood oo kala ah:-
1-Mid guud oo dadka oo dhan laga rabo ama cilmi ha la haado ama yuusan lahaan sidda in uu Xoolihiisa ku bixiyo arrimaha Dacwada iyo Taakulada dadka khayrka wada IWM.
2-Mid Culimada laga rabo oo ah inay Cilmiga dadka baraan ayna khayrka mar walba cadeeyaan iyaga oo aan cidna uga baqayn.
Waxaa uu shiikhu daliil u soo qaatay xadiiskii nabiga –nabadgalyo iyo naxariis korliisa ha ahaatee- ee lahaa (baliquu canii walow aayah) (iga gaarsiiya dadka walow hal aayadba ha ahaatee) dacwadaasi waa mida caamka ah. waxaa kaloo uu soo qaatay hadalkii alle ee ahaa (qul hadihii sabiilii adcuu ilaa allaahi calaa basiiratin ana wamani tabacanii ) waxaa uu shiikhu sheegay inay Aayadatani tilmaamayso masaa’ilka waa weyn ee ubaahan culimada aadka ugu xeel dheer diinta,sidaas darted ma haboona inuu qofku daliil ka dhigto anigu cilmi badan ma lihi sidaas darteed dacwadu ima qusayso.
Intaas kadib Shiikh c/xakiin waxaa uu sheegay abaal marinta qofka qariya shay kamid ah cilmiga, sida in la weydiiyo qofka mas’alo uu cilmi u leeyahay oo uu qariyo, ama inuu arko qof ku khaldamaya mas’alo sharci ah oo uu yaqaano oo haddana uu isaga aamuso oo uusan usheegin, labadaas arrinba waxa uu sheegay shiikhu inay isku mid yihiin oo ay yihiin cilmigii oo la qariyey. Waxaa uuna soo qaatay shiikhu xadiiskii nabiga -nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee- ee macnihiisu ahaa
( qofkii qariya wax kamid ah cilmiga waxaa maalinta qiyaame afka looga xirayaa silsilad naar ah sida xakamaha faraska oo kale).
Waxaa uu shiikhu dadka uqeybiyey labo qeybood xiligaan la joogo: 1- Mid cilmiga warsanaya oo culimada taqaan weydiinaya 2- Iyo mid aan warkaasiba kujirine hawadi raac noqdayoo aan cidna wax weydiinayn, shiikhu waxa yiri –allaha xafidee- waxaa umada iyo culimadaba waajib ku ah in ruuxa cilmi raadiska ah ee wax weydiinaya laga haqabtiro cilmiga uu u baahanyahay sidoo kale waa in ay dacwada gaarsiiyaan kan hawadiisa raacay si uu ubadbaado anaguna aan u badbaadno aakhiro iyo aduunba.
Sh.C/xakiin waxa uu intaas kadib ugudbay inuu sharaxo ujeedooyinka dacwada, tiirarka dacwada, wadooyinka dacwada iyo caqabaadka haysta dacwada xalligaan aan noolnahay.
Ujeeddooyinka dacwada( AHDAAFU- DACWAH)
Shiikhu waxaa uu ujeeddooyinka dacwada ka sheegay shan(5) qodob oo uu mid walba is kortaagay waxayna kala ahaayeen sidaan:
1. In dadka lagu hanuuniyo oo la tuso wadadda Toosan.
2. In la helo umad Ducaad ah oo mar walba u taagan sheegida Xaqa iyo reebida wax xun.
3. In xujo lagu oogo kuwa diidan Xaqa.
4. In loo diido kuwa raac in ay dhulka Fasahaadiyaan faafiyaan Fasahaadka iyo waxa xun.
5. In dhulka lagu Camiro oo lagu faafiyo Kheyrka iyo Camalka Wanaagsan.
6. In la helo Dhalinyaro cusub oo ka shaqeeya Dacwada.
Shiikhu sitafaftiran ayuu uga hadlay laakiin waxaan kusoo gaabsanay qobada si uusan qoraalku noogu dheeraan akhristahana aanaan u daalin inkastoo aan kheyr laga daalin marna.
TIIRARKA DACWADA(ARKAANU- DACWAH)
Shiikh cabdi xakiin -allaha xifdiyee- waxaa uu qodobkaan ka shegay saddex(3) tiir oo aysan la’aantood dacwadu socon Karin waxayna kala ahaayeen sidatan:
1. Mid wax loogu yeero [ Al-maduwu Ilayhu] oo ah diinta Islaamka oo ku socota wado sax ah oo laga soo guuriyey fahankii Umadii hore ee Kheyrka Badnayd.
2. Qofkii Dacwada Fulin lahaa [Al-Daacii]
3. Qofkii Loo yeeri Lahaa [Al-madcuwu]
Waxaa uu sheegay shiikhu in ay dacwadu hirgalayso haddii la xaqiijiyo saddexdaan tiir, waxaana lagu wadayaa dacwada xikmad iyo wacdi wanaagsan oo ku qotoma xaqiiqda meesha lajoogo iyo waqtiga lajoogo. Waxaa uu sheegay shiikhu inay dad badan oo ducaada kamid ahi ka tageen xikmadii iyo wacdigii wanaagsanaa ee laga rabay, taasina ay sababtay inay is fahmi waayaan ducaadii iyo dadkii dhagaysanayey, tusaale qof duwaaca kamid ah ayaa waxaa uu lakulmayaa qof aan siwanaagsan u labisnayn, salaadana aan tukan, foodiisa iyo timihiisa guud ahaan aysan waafaqsanayn sida ay u jaranyihiin sharciga.
Qofkaas daaciga ah waxaa la gudboon inuu qofka marka hore masaajidka keeno si uu u guto salaada markaasna uu tartiib tartiib wax u fahan siiyo, laakiin waxaa dhici karta inuu uga bilaabo war waxaan fooda dheer muxuu ahaa war iska jar foodu waa xaaraane iwm oo ah ereyo dhaleecayn ah, intaasi marka ay dhacdo qofna majecla inlaga sareeyo oo la dhaleeceeyo sidaas darted wuu isdaafacaya qofku waxaa uuna kusii fogaanayaa khaladkiisii, walow ay dhici lahayd inuu soo hanuuno haddaad degenaad iyo xikmad xeel dheer u adeegsan lahayd.
WADOOYINKA LOO MARO DACWADA(WASAA’ILU AL- DACWAH)
Shiikh cabdi xakiin –allaha naarta ka xoreeye- waxa uu sheegay in ay farabadanyihiin wadooyinka loo marayo faafinta diinta iyo ka qeybqaadashadeeda aysana ahayn wadooyinkaasi kuwo kooban oo tirsan, waxaa uuna soo qaatay hadal uu leeyahay shiikh maxamed binu saalix al- cuthaymiin oo ahaa (wado walba oo loogu adeegayo faafinta kitaabka alle iyo sunada nabigeena wey banaantahay hadaysan ahayn wadadaasi mid xaaraan ah) maxaa yeeley wado xaaraan ah looma mari karo shay xalaal ah.
Hadaba shiikhu wuxuu tilmaamay wadooyinkaas kuwa ugu caansan aadna aan ugu baahanahay in aan kafaa’daysano waxaana kamid ah:
In dadka wax labaro: sida in la sameeyo dugsiyo qur’aanka lagu barto, sidoo kale in la sameeyo xalaqooyin cilmiyeed lagu barto funuunta kala duwan ee culuumta sharciga.
In masaajida laga qabto muxaadaraad: arrinkaani waa mid muhiim ah waana mid loo baahanyahay in la dardargaliyo si ay dadku uga faa’iidaystaan.taas waxaa kulamaansan in muxaadaraadka laga soo jeediyo iskoolada, macaahida, jaamacadaha iyo dhammaan meelaha ay bulshadu isugu timaado. Waxaa uu halkaan shiikhu carabka ku adkeeyey inay bulshada lafteedu leedahay dhaliil ah inaysan wax dhagaysanayn oo iyaga oo muxaadaraadkii iyo duruustiiba ay masaajidada ka socdaan ayey dadku iska baxayaan marka ay salaada dhamaystaan waxayna fariisanayaan makhaayadaha iyo meelaha la halmaala ee laqwiga lagu hayo, marka ay gaarto saacada aqinka salaadana wey kasoo kacayaan markaas lafteeda uma soo galayaan masaajidka toose waxa lawada istaagayaa- inyar maahee- masaajidka hortiisa si loo gunaanado sheekadii markii hore kheyrka looga cararay oo maantoo dhana kursiga korkiisa lala fadhiyey, arrintaasi waa mid u baahan bulshoy in wax laga qabto ayuu kusoo xiray hadalkaas shiikh cabdixakiin.
Inla aasaaso jamaaco ka shaqeysa faafinta kheyrka: marka la aasaaso jamaacooyinkaas macnaheedu maahan sitoos ah bay u howlayaane macnuhu wuxuu yahay waa in jamaacada loo sameeyo xafiisyadii ay ku shaqeyn lahayd, baabuurtii ay isticmaali lahayd waana in lala garab taagnaado dhammaan wixii taakuleyn ah oo ay u baahanyihiin, sitaas si lamid ah waa in loo sameeyo jamaacada kala dambeyn iyo kala sarayn kudhisan wadatashi iyo isla xisaabtan.
1. Dadka oo lala saaxiibo
2. In hadallo laga soo jeediyo goobaha dadku isugu yimaado sida xafladaha iyo shirarka
3. In la adeegsado idaacadaha kuwa la dhagaysto iyo kuwa la daawadaba
DHIBAATOOYINKA HORTAAGAN DACWADA(CAQABAADU AL-DACWAH)
Qodobkaan oo ahaa kii uu kusoo gabagabeeyey shiikhu muxaadaradiisa waxaa uu uga warbixiyey dhibaatooyinka hortaagan socodka dacwada iyo shaqada ducaada, waxaa uuna kusoo koobay shan(5) dhibaato oo aysan dacwadu socon Karin haddii aan xal waara loo helin, wuxuuna u dhigay sidatan:
1. Waxaa yar dadka ducaada ah ee alle darti u shaqeynaya
2. Waxaa jira jamaacooyin muslimiin ah oo raba inay dacwada wax ka qabtaan laakiin wadadoodu khaldantahay
3. Waxaa yar qalabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa,Shiikhu waxaa uu arrintaan ku cileeyey bakheylnimo iyo gacan adayg u kordhay dadka markuu dhaqaalihii u kordhey.
Khilaaf iyo dood ka dhex taagan ducaada yare ee howshu alle darti ka tahay
Aragtida khaldan ee ay madaxdu ka aaminsan tahay ducaada. Shiikh cabdi xakiin waxaa uu arrinkaan kugooni yeeley dowlada carabta kuwo ka mid ah, waxaa uuna ku nuuxnuuxsaday inaysan arrintaani ka dhicin Soomaaliya, laakiin waxaa uu tilmaamay inay jiraan dalal xitaa khudbooyinka jimcaha la iska kantaroolo oo ay dowladu soo diyaariso khudbooyinka jimcaha ka dibna ay u qeybiso culimada.
Inay qofka daaciga ah naftiisu ku noqoto caqabad. Shiikhu waxaa uu arrinkaan ku fasiray baqdinta iyo ka gabashada sheegida xaqa waxaa uuna sheegay inay tani tahay tan ugu daran ee hortaagan in la faafiyo xaqa lana reebo sharka.
Ugu dambeyntii wxuu shiikh hadalkiisii qiimaha badnaa kusoo xiray talooyin dhow ah oo isugu jira kuwo uu boorinaya in la sameeyo iyo kuwo uu ka digayo in la sameeyo haddi lawadana lajoogteeyo talooyinkaas waxa kamid ahaa:
Qof walba oo inaga mid ah waa inuu ogaado dacwadu inay korkiisa tahay oo ay dhabarkiisa saarantahay qof walba, hadii uu gutana uu ku jano tagayo hadii uu gudan waayana uu halaagsamayo.
Qof walbow ogow inaysan shuruuda daacinimada ka mid ahayn inaad tahay caalim cilmiga ku takhasusay oo wax weyn ka haysta laakiin tan ku saarani waa inaad farto xaqa inta aad taqaan munkarkana reebto inta aad taqaan wixii aadan aqoona aad ka gaabsatid.
Waxa iyana caqabad weyn ah inaan ku mashquulnay aduunyo, haddii aan wax baran lahayn iyo haddii aan wax bari lahaynba, marka qof walbow iska jir inay aduunyada yari kaa mashquulisa saadkii aad aakhiro u qaadan lahayd.
Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Dacwada Masuuliyadeeda yaa leh Sh.C/xakiim Muxamed Xirsi
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/duqqotqffj/Dacwada_Alle_Masuuliyadeeda_yaa_leh_Sh.Cabdi-xakiin_Muxamed_Xirsi.mp3]Maxamuud C/rashiid Jaamac
Xafiiska Warfaafinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)