Deeq lacageed oo la soo gaarsiiyay Dugsiga Agoonta ee Daaurl Xanaan ee Qardho.[Video/Masawiro]
November 17, 2014 - Written by EditorQardho:-Deeqdan lasoo gaarsiiyay Dugsiga agoonta ee Daarul xanaan ee magaalada Qardho ayaa waxa ay ka timi gabar Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Maraykanaka kana soo jeedaa Deegaanada Puntland. Muniiro Maxamuud Khaliif Xasan Diric oo ah gabadha ku deeqday lacagtan oo cadadkeedu gaarayo $ 970 (sagaal boqol iyo todobaatan doolar) ayaa waxa ay u wakiilatay lacagtaa inay gaarsiiyaan Agoonta wax ka barata Daarul Xanaan gudoomiyaha waxbarashada gobolka karkaar Bashiir Axmed Gala eri iyo gudoomiyaha waxbarashada degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiya waxayna lacagtaa ku wareejiyeen maamulka dugsiga al-xanaan, lacagtaas ayaana waxaa loogu talagalay in waxbarashada inta ka harsan sanad dugsiyeedka 2014/2015 lagaga bixiyo gabdho gaaraya 10 gabdhood oo ka mid ah ardada Dugsiga.
Maamulka xarunta ayaa u mahad celiyay gabadhan u soo gurmatay gabdhaha walaalaheeda ah uguna duceeyay inuu ilaah ajar kasiiyo, waxayna baaq u direen inay dhamaan qurba joogta ku nool dalka dibadiisa ka qaybqaataan sidii loo caawin lahaa agoonta.
Waalidiinta dhashay gabdhahan waxbarashada laga bixiyay oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabadii lacagaha loogu wareejinayay maamulka xarunta ayaa sidoo kale u mahad celiyay Muniiro Maxamuud Khaliif Xasan Diric oo ah gabadha ka bixisay tobanka gabdhood lacagta iskuulka una duceeyay.
Dugsiga Al-Xanaan Qardho ayaa waxa la furay 1996 waxaana uu ahaan jiray xarun lagu daryeelo agoonta ku nool magaalada qardho ayna caawiso hay’ad islaami ah ayaa muddo saddex Sanadood ah wax caawinaad ah ka helin hay’adii caawin jirtay.
Ka dib markii ay halkaa ka baxday caawinaadii ay siin jirtay hay’ada ayaa Agoontii halkaa lagu xanaanayn jiray waxaa la soo gudboonaatay xaalad adaga ayadoo mudada saddexda Sanadood ahna ay gacanta ku hayeen ama ay la dhibtoonayeen maamulka iyo gudoomiyaha xarunta C/qaadir Yaasiin Maxamed intaa kadib ayaa waxaa khatar galay waxbarashadii Agoonta ayadoo horay u istaagtay xanaanayntii agoonta halkaa lagu xanaanayn jiray.
Mudooyinkan ayaa waxaa magaalada ka socday olole lagu taageerayo agoonta waxkabarata xarunta Al-Xanaan iyadoo ololahaas hormuud ay u yihiin gudoomiyaha waxbarashada gobolka Bashiir Axmed Gaala eri iyo kan degmada Siciid Maxamed Faahiye.
no images were found
Hoos ka Daawo Warbixin Dugsiga Agoonta ee Daarul Xanaan ee degmada ee degmada Qardho
Daauud Maxamed Xasan (Daauud Giirow)
Qardho-Puntland-Somalia