Dowladda Mareykanka oo soo dhaweysay Doorashadda Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed

November 19, 2014 - Written by Editor

jamesNairobi:-Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Somaaliya James P. McAnulty ayaa waxaa uu soo dhaweynayaa doorashadda dhacday November 17, taasi oo madaxweynaha maamulka ku meel-gaarka ee koonfur galbeed loogu doortay Sharif Hassan Sheikh Adan. Maamullka ku meel gaarka ee Konfur Galbeed ayaa ka kooban Bay, Bakool iyo Shabelladda Hoose. Dowladda Mareykanka waxay u hanbalyeyneynaa dhamaaan qeybaha kala duwan ee ka qeybqaatay wadahadaladdi socdey bilooyinkii la soo dhaafay, kuwaasi oo surtagaliyey in doorasho nidaamsan ay dhacdo.

Waxaan kaloo aqoonsanahay doorka ay dowladda federalka ka qaadatey surtagalinta maamul dhisiddan iyo dib u heeshisinta guud. Waxaana ku boorineynaa dowladda federalka inay sii wadoo surtagalinta higsiga 2016 oo ay ka mid tahay maamul u sameynta gobaladda.

“Dowladda Mareykanka waxay soo dhoweyneysaa doorashadan taarikhiga ah, waxayna ku boorineysaa madaxda mamulka kumeel-gaarka ee Konfur galbeed inay tabaha u dhigaan maamul ay u wada dhanyihiin dadka deegaanka, kana bahi tiro dhamaan alaadaha ay u baahanyihin dadka goboladddan dago.

Waxaan kaloo ku dhiiragalineynaa maamulka ku meelgaarka ee waqooyi galbeed inay wada shaqeyn iyo la tashi la sameeyaan dowladda federalka si loo suurtagaliyo in mustaqbalka maamul goboleed kamid ah dowladda federal uu ka dhasho gobolka,” ayuu yiri Ergeyga Mareykanka ee Somalia, James McAnulty.

Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay garab istaagto dowladda Soomaliya iyo shaabka Soomalida, waxay taageereysaa in Somaaliya ay gaarto nabada buuxda iyo mustaqbal barwaaqo u sida shacabka Somaaliyeed.

Dhamaad

 

Leave a comment

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online