Fadiilat Al Waalid Sheekh Yuusuf Aden oo safar dacwo ku jooga magaalada Toronto
November 25, 2014 - Written by EditorToronto:-Waxaa la ogaysiinayaa Dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Toronto iyo Nawaaxi geeda inuu Marti u yahay Sh Yuusuf aadan oo ka mid ah Culimada waawayn ee Soomaaliyeed wuxuuna Duruus ka wadaa Xarunta Sakinah Center. Haduu ALLAAH idmo Arbacad 26/11/ 2014 habaynka khamiistu soo galayso ayuu Muxaadaro muhiim ah ka galayaa Masaajidka Khalid ibnu waliid Toronto oo ah Masaajidkii ugu Horeeyay ee Jaaliyadaha Somaaliyeed ay ka dhistaan North America..Cinwaanka Muxaadaradu waa ( تاريخ الصحوة الاسلامية في الصومال ) (Taariikhda Baraaruga Islaamiga ee Somaliya)..
Sh Yusuf wuxuu ka mid Culimadii ugu horaysay ee Caqiiqadadaan Saafiga ah Somaliya soo gaarsiisay ALLAAH SWT sabab uga dhigay in jiilal badan oo maanta jooga inay Caqiiqadadaas soo gaarto… Hadaba Sidee lagu soo bilaabay dacwada ,-Caqabadihii ka hor yimid.. – Sidee looga soo gudbay Caqabadahaas,-Wadaadadii waagaas joogay maxay uga duwanaayeen Wadaadada Maanta.. -Maxaynu ka baran karnaa si aynu uga baxno Dhibaatooyinka maanta ina haysta..
Ka soo qayb gal wacan inshallaah aan ka faadeysano Fadiilat Al-Waalid Sheekh Yuusuf Aden Xafidahulaah .
Toronto
Halgan.net