Gabay:- Culimo saw maaha waa tix gabay uu tiriyey Ismaaciil Maxamed Cali (Akhriso)
November 22, 2014 - Written by EditorFinland:-Tixdan kooban ee aan u magac bixiyay CULIMO SAW MAAHA ayaa waxaan jeclaystay in aan la wadaago walaalaha tixdan ayaa waxay tilmaamaysaa kaalinta ay culimadeenu bulshada kaga jirto kaalintaasina waa mid aynu wada ognahay laakiin nafta ayaa mar walba ubaahan in wax la xasuusiyo sida uu ilaahay quraankiisa ugu yidhi ( xasuusi xasuusintu waxay anfacdaa mu’miniintee ) hadaba waxay tidhi tixdu.
Rabbibaa cadaaladda sugoo, caynsha oo jira’e
Caqiidada saliimka ah kuwii, ceebta ka ilaashay
Ee caada qaataha ka wiray, caasigiyo gaalka
Ee cadawgu qaar laayayeen, cidi is waydiinin
Caawana u taagani bulshada, culimo saw maaha
Colalkii shisheeyuhu markuu, cudud ku faajooday
Cawaankii gumaystuhu markuu, inagu ceegaagmay
Ciideena hodanka ah markuu, cagaha soo joojay
Cuudkiyo barwaaqada markuu, cayn u guranaayay
Kuwii cariyay ee eryaday iyana, culimo saw maaha
Markastoy colaadiyo dhacaan, caabuq iyo aano
Oo cudwaan daraadii hirdini, caadka ka hillaacdo
Oo cidi cidii kale markaa, caawis kala maagto
Oo la is collaystoo bulshada, caajis kala gaadho
Kuwa lagu caweeyaa markaa, culimo saw maaha
Caydhiyo abaartiyo xilliga, caatadiyo wayda
kolka ay catawdee bulshadu, ciidmi kari waydo
Cadibaad daraadeed markay, cayna garan waydo
Caadilbaw miciinoo allaa, caawimaad badane
Cududooda kuwa aan hagrani, culimo saw maaha
Bulsho waliba carrab iyo afbay, caan u tahay gaare
Waa cajaa’ib aayaada oo, carabigaw mudane
Afka-hooyo waxa lagu ceshaa, caynka maansada’e
Kuwa curiya suugaanta gabay, culimo saw maaha
Ilaahay kuwa ka cabsadaa, culimo saw maaha
Cilmiga iyo dhaxalka kuwa sidaa, culimo saw maaha
Kuwa jaahilnimo caydhiyaa, culimo saw maaha
Kuwa daallinnimo ceebiyaa, culimo saw maaha
Cadligana kuwii boorriyaa, culimo saw maaha
Cadaabka kuwa innooga digaa, culimo saw maaha
Cafiifsanida kuwa inna faraa, culimo saw maaha
Kuwa xaqa cadeeyeen gabbani, culimo saw maaha
Caad la isma saaroo runtaa, lagu caddaadaaye
Cadceeddoo dhag tidhi laguma dedo, cududa waagiiye
Caynka iyo indhaha bulshadu, culimo saw maaha.
Waxaa tiriyey Ismaaciil Maxamed Cali
Lieksa Finland