Kulankii Baarlamaanka DFS oo buuqay iyo natiijo la’aan ku dhamaaday.[ Video]
November 24, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Kulankii Baarlamaanka DFS ayaa mar kale waxaa uu ku dhamaaday buuq iyo natiijo la’aan ka dib markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu soo galay golaha baarlamaanka DFS hal mar is qabsaday buuq iyo sawaxan ay sameeyeen xildhibaanada diidan Mooshinka ee la safan Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi weli Sh.Axmed.
Prof Jawaari iyo Ku xigeenkiisa jeylaan Iikar ayaa xakameyn waayey xaalada baarlamaanka DFS iyaga oo xitaa si quman u fariisan waayey kuraastoodii . Xildhibaanada Mooshinka diidan oo aad u careysan ayaa ku buuqay Guddoomiye Jawaari iyaga oo ugu baaqay in uu sharciga ilaaliyo mooshinkana uu yahay mid xaaraan ah.
Gudoomiyaha baaralamaanka DFS Prof Jawaari iyo ku xigeenadiisa ayaa isaga baxay golaha baarlamaanka iyaga oo ka arrinsanaya waxay ka yeeli lahaayeen xildhibaanada diidan Mooshinka oo wili wada buuq iyo sawaxan.
Kalfadhiga Baarlamaanka DFS ayaa markii saddexaad ku dhamaaday guul daro iyo natiijo la’aan taas oo ay sabab u tahay
hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya oo u kala jabay labo garan oo kala taageersan Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare C/weli Sh Axmed.
Hoos ka Daawo buuqa iyo qaylada ka dhex socota Xildhibaanada Baarlamaanka DFS
A/Cawale
Halgan.net