Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo joojiyey Mooshinka laga keenay Xukuumada ilaa amar danbe (Akhriso)
November 24, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-War qoraal ah oo dhawaan ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamanka DFS Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu hakiyey mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumada Raisulwasaare Cabdiweli Sh Axmed.Gudoomiyaha DFS ayaa ku xusay warmurtiyeed xafiiskiisa ka soo baxay in Mooshinka ka dhanka ah xukuumada aan mar danbe Baarlamaanka la horkeeni doonin tan iyo inta laga Xalinayo Khilaafka baahsan ee ka aloosan madaxada sare ee DFS iyo weliba xubnaha baaralamaanka DFS
Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in la hakiyey mooshinka iyada oo la eegayo xaalada dalka uu ku jiro
Hoos ka Akhriso warsaxaafeedka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamanka DFS Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari
no images were found
no images were found
A/cawaale
Halgan.net