Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shaaciyey waqtiga la qabanayo Mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha DFS.[Dhagayso]
November 21, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Afhayeenka Baarlamaanka DFS, Prof.Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah Barlamaanka la geyn doono mooshin ay soo gudbiyeen Xildhibaano ka mid ah DFS laguna ridayo Ra’iisul wasaare C/weli Sh Ahmed.
Labo jeer oo ayaa Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan ay mooshin ka keeneen Xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiwel aysan waxba ka hirgelin ka dib markii Xildhibaano taageersanaa Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sh Axmed ay hor istaageen.
Afhayeenka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaanadda DFS in ay ilaaliyaan nidaamka uusan aqbali doonin mar saddexaad is horistaag lagu sameeyo in mooshinka lagu ridayo Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sh Axmed.
Afhayeenka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa safar ugu baxay maanta dalka Jabuuti isagoo casumaad ka hellay dhigiisa dalka Jabuuti dibna uu ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho maalinta Axada ah.
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Afhayeenka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/ibkhahqmd3/jawaari.mp3]A/cawaale
Halgan.net