Gudoomiye ku xigeenkii degmada Howl-wadaag oo la dilay
November 12, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa saaka koox hubaysan ay ku dileen Muqdisho gudoomiye ku xigeenkii degmada Howl-wadaag ee dhinaca Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxa’ed Hilaal. Dablaydaan hubeysan ayaa waxaa ay toogasho ku dileen Allaha u naxariistee gudoomiye ku xigeenkii degmada Howl-wadaag , darawalkiisii iyo labo ciidan oo u ahaa ilaalo.
Gudoomiye ku xigeenkii degmada Howl-wadaag ee dhinaca Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxa’ed Hilaal ayaa waxaa dilkiisa uu ka dhacay Suuqa weyn ee degmada Wadjir.
Kooxda dilka u geystay gudoomiye ku xigeenkii degmada Howl-wadaag Yuusuf Maxamed Hilaal ayaa waxaa ay gaari uu watay ku horgooyeen gaari kale ka dib ay rasaas fara badan ay ku fureen ka dibna ay goobta ka baxsadeen.
Dhinaca kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka gudoomiye ku xigeenkii degmada Howl-wadaag ee dhinaca Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Hilaal isagoo sheegay in ay wax ka qaban doonaan dilalka qorshaysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net