Hay,ada SAAD oo kaalmo isugu jirta maacuun gogol iyo qalab kale gaadhsiiyay 109 qoys (Masawiro)
November 27, 2014 - Written by EditorJigjiga:-Hay,ada gargaarka iyo horumarinta deegaanka somalida Itoobiya oo gacan ka helaysa xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarowga musiibooyinka DDSI ayaa soo gaadhsiisay 109 qoys oo ku kala sugan tuulooyinka malka afwayn(buundada qoraxay) tukaley oo labadooduba ka tirsan dagmada qabridahar iyo tuulada rarane oo ka tirsan dagmada beer-caano
Kaalmadan ayay hay,adu soo gaadhsiisay qoysaskan ka dib marki uu ku dhawaaqay xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga musiibooyinka DDSI in qaar ka mid ah tuulooyinka deegaanku ku wax yeeloobeen roobabkii mahiigaanka ahaa ee dhawaan ka curtay deegaanka sida darted ayay hay,ada SAAD si dagdag ah ku gaadhsiisay sadexdaas tuulo oo ka mid ahaa meelihi ay roobabku saameeyeen kaalmadan.
Kaalmadan ayaa isugu jirtay bacaha roobka laga gaashaanto bustayaal iyo maacuun iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah qoyska.qoysaskii kaalmadan la soo gaadhsiiyay ayaa aad oogu riyaaqay iyagoo u mahad celiyay hay,ada SAAD iyo guud ahaan xafiisyada ay khuseyso ee DDSI.
no images were found
Hay,ada gargaarka iyo horumarinta SAAD
Jigjiga