Ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya Xassan Xamze oo Garoowe soo gaaray.[Masawiro].

November 14, 2014 - Written by Editor

IMG_6059Garoowe:-Ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee dalka Soomaliya Xassan Xamze oo maanta magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland si weyn loogu soo dhoweeyey. Waxaa maanta magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland si wanaagsan loogu soo dhaweeyey ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaliya Xassan Xamze iyo wafti uu hogaaminayey oo booqasho rasmi ah ku yimi Puntland.

Soo dhaweynta wafdiga ka socday Dawladda Qadar waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe kaga qeyb qaatay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland ,Waxgarad ,Haween iyo dhalinyaro ku labisanaa Calamada Puntland,Soomaliya iyo kan Dawladda Qadar iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Intaas ka dib ayaa wafdiga waxaa loo soo gudbiyey Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxana halkaasi si kal iyo lab ah ugu soo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaliya Xassan Xamze iyo wafdiga la socday uga mahadceliyey booqashada ay Puntland ku yimaaden .

Xassan Xamze ayaa ugu dambeyn dhankiisa ka mahdceliyey sida loogu soo dhaweeyey Puntland isagoona si gaar ah ugu Mhadceliyey Madaxweyne Gaas.

no images were found

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online