Labo ka tirsan Amniyaadka Al Shabaab oo lagu dilay Xaafada Black Sea
November 1, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in labo dhalinyaro oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab lagu dilay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ka dib markii ay Suuqa Cirtoogte ku dhaawaceen mid ka mid ah askarta DFS.
Laba nin ee dilay askariga ka tirsan DFS ayaa u cararay Xaafada Black Sea waxaana markiiba ceersaday dhacab iyo ciidamo ka tirsan DFS kuwaas oo ku guuleystay in ay dilaan ka dib iska horimaad kooban oo mudo yar socday.
Dhagar qabayaasha dilay askariga ka tirsan DFS ayaa markii la dilay waxaa meydkooda la geeyey Isbitaalka Madiina waxaan arinkaas si weyn u soo dhaweeyey ganacsatada suuqa Bakaaraha kuwaas oo cabsi iyo baad ay ku hayeen kooxaha amniyaadka ee Al-Shabaab.
Ciidanka Booliska DFS ayaa ilaa haatan wax war ah ka soo saarin dilka labada dhalinyare ee ay ciidanka ku dileen Xaafada Black Sea.
A/Cawale
Halgan.net