Madaxda DFS oo mudo labo usbuuc ah dib u dhigay Shir ka socday Baydhabo
November 10, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aan si KMG ah loogu hakinayo shirka dhisidda maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka soconayey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay
Madaxda ugu saraysa Dowladda Federaalka Soomaaiya ayaa isku raacay in la hakiyo mudo labo usbuuc ah dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya si loo xaliyo khilaafaadka yar yar ee jira si xal loo dhan yahay loo wada gaaro.
Go’aankan waxaa wadajir ugu saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Hoos ka akhriso go’aanka si wada jirka ah ay soo saareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
no images were found
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka