Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay Itoobiya
November 6, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa saaka u ambabaxay dalka Itoobiya xili khilaafka u dhexeeya isaga iyo Ra’iisul wsaaraha DFS Cabdiweli Sheeh Axmed uu weli taagan yahay. Safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud ayaa waxaa lagu sheegay in uu ka qayb geli doono shir madaxda dalalka IGAD ay ku yeelanayaa magaalada Adis’ababa loogana hadli doono dhibaatooyinka amaan daro ee ka taagan dalka Soomaaliya iyo Koonfurta dalka Sudan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh.Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaardaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyey guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaraaha DFS C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa ku soo beegmay ka dib markii shalay safar uu ku yimid Muqdisho wakiil IGAD ee Soomaaliya Maxamed Afey oo uu ku dhex dhexaadinayey Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed walow isku daygaas uu ku dhamaaday guul daro.
A/cawaale
Halgan.net