Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
November 21, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qayb galay shirkii New Deal ee ka dhacay magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Danmark.
Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaalya.
Wafdiga Madaxweynaha ee ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle lana hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Copenhagen uu ku soo dhamaaday is faham beesha caalamka iyo xubno dowladda Federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net