Madaxweynaha PL oo furay xarun cusub oo lagu daryeelo Hooyada iyo dhalaanka.[Masawiro]
November 17, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo Xariga ka jaray Xarun Cusub oo lagu daryeelayo Hooyada iyo Dhallaanka sidookalana ka qeyb galay Daahfurka Carmma. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Xarun Cusub oolagula tacaalayo dhibaatooyinka hooyada iyo dhallaan ka la soo darsa,taasi oo ay iska kaashadeen dhismaheeda Bulshada ku nool Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland iyo Hay’ada UNFPA.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo furitaanki xaruntaas ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay yahay in shacabka Puntland maanta isku tashadeen islamarkaana u mahadceliyey Hay’ada UNFPA oo iyana ka qeyb qaadatay dhismaha xaruntaan.
‘’Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka anaga marwalba muhiimad gaar ah ayey noo leedahay sababtoo ah noloshii meeshii ay ka bilaabanaysay weeye ,tani Garoowe iyo inta la xiriirta ayey haqabtiraysaa laakiin waxaan rajeynaynaa in meel walba lagu fidiyo oo la gaarsiiyo ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Intaas kadib ayaa Madaxweyne Gaas waxa uu Hoolka Jaamacada PSU kaga qeyb galay xaflad balaaran oo lagu daah furayey Dhaqdhaqaaqa lagu dardar gelinayo Barnaamijka Caafimaadka kaasi oo lagu yaraynayo dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka ‘’DAAH-FURKA CARMMA’’.
‘’Barnaamijka Dardar gelinta dadaalka lagu yaraynayo umul raaca iyo isku dhimashada Hooyada dhallaanka waa Barnaamij weyn oo qaran Hooyana ma qaban karto ,Aabana maqaban karo ,Wasaarad caafimaad kaligeed ma qaban karto waa wax u baahan in kuligeen aynu uwada istaagno qo walbaana meesha kaga aadan iyo qeybta uu ka leeyahay uu ka qaato’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
‘’Runtii waxa ugu weyn ee loo baahan yahay in la sameeyo waa in wacyigelin la sameeyo oo ururada bulshada ay u istaagaan wacyigelinta barnaamijkaan ‘’Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Danjiraha Puntland ee Barnaamijka Carmma umagacaabay Aniso Xaaji Muumin oo ah Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland. Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey Madaxa UNFPA ee Soomaaliya Mr.Cheikh Tidane Cisse.
no images were found
DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.