Madaxweynaha PL oo Geedkii ugu horeeyey ee Cagaarinta magaalooyinka Puntland ku talalaalay Magaalada Garoowe
November 15, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Geedkii ugu horeeyey ee Cagaarinta Magaalooyinka Puntland ku Talalaalay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland,gaar ahaan dhinaca qorax u dhaca ee wadada isku xirta laamiga weyn ee Garoowe iyo Madaxtooyada Puntland.
Abuurista geedkaan ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa Mashruuca Cagaarinta Puntland waxana iska kaa shanaya Wasaarada Deegaanka ,Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland iyo Hay’ada ADESO oo kamid ah hay’adaha ka howlgala gudaha Puntland,ilaa todobo magaalo oo Puntland ah ayaana laga hirgalinayaa Mashruucaas.
‘’Waxaa larabaa in magaalooyinka dhamaantood la gaarsiiyo hada waa todobo magaalo ,magaalooyinka waaweyn sida Garoowe oo kale waa muhim in shaqo fiican iyana laga qabto oo la cagaariyo’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
‘’Faa’iidada ay leedahay dhirayntu waad aragteen ,Soomaaliya waad aragteenoo sanad walba ama labadii sano markii la joogo abaar baa dhacaysa saana ma ahaan jirin markii dhulkeena Geedaha lahaa abaarta tobankii sanaba mar baa la arki jiray’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.